Xukuumadda oo caddeysay mowqifkeeda wadahadalka Somaliland

Image
Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Jaamac ayaa ka hadlay qadiyaddan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Jaamac iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdilaahi ayaa xalay ka qayb galay munaasibad afur ah.

Kulankaas ayaa Xildhibaannada Iyo Wasiirrada ka soo jeeda Gobollada Waqooyi la yeesheen Ergayga u qaabilsan wadahadallada Somaliland Dowladda Federaalka, Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Saalax ayaa tilmaamay in arinta wadahadalada Somaliland tahay mid u baahan in xal waara laga gaaro isla markaana hoos loo eego tabashooyinka, si loo gaaro xal waara.

Ka gun-gaarida qadiyadan ayuu xusay in ay xaqiijineyso "qorshaha Xukuumadda DanQaran ee Soomaali Heshiis ah, kaas oo ay udub dhexaad u tahay ka miro dhalinta midnimadda iyo wada jirka Ummada Soomaaliyeed".

Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdilaahi oo goobta ka hadlay ayaa dhinaciisa soo dhaweeyey Ergayga wadahalada arrimaha maamulka gooni-isu-taagga ah ee Somaliland.

Xaashi ayaa tilmaamay in ay kala shaqayn doonaan sidii xal waara looga gaari lahaa arrinta Somaliland, iyadoo loo marayo is qancin iyo garawshiyo si loo xaqiijiyo midnimadda dalka.

Dhankiisa, Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay "in arrinta Somaliland tabanayso ay tahay in si walaalnimo ku jirto looga wada hadlo, si loo gaaro natiijo wanaagsan oo saldhig u noqota midnimadda Umadda Soomaaliyeed".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM