Xukuumadda oo caddeysay mowqifkeeda wadahadalka Somaliland

Image
Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Jaamac ayaa ka hadlay qadiyaddan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Saalax Jaamac iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdilaahi ayaa xalay ka qayb galay munaasibad afur ah.

Kulankaas ayaa Xildhibaannada Iyo Wasiirrada ka soo jeeda Gobollada Waqooyi la yeesheen Ergayga u qaabilsan wadahadallada Somaliland Dowladda Federaalka, Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Saalax ayaa tilmaamay in arinta wadahadalada Somaliland tahay mid u baahan in xal waara laga gaaro isla markaana hoos loo eego tabashooyinka, si loo gaaro xal waara.

Ka gun-gaarida qadiyadan ayuu xusay in ay xaqiijineyso "qorshaha Xukuumadda DanQaran ee Soomaali Heshiis ah, kaas oo ay udub dhexaad u tahay ka miro dhalinta midnimadda iyo wada jirka Ummada Soomaaliyeed".

Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdilaahi oo goobta ka hadlay ayaa dhinaciisa soo dhaweeyey Ergayga wadahalada arrimaha maamulka gooni-isu-taagga ah ee Somaliland.

Xaashi ayaa tilmaamay in ay kala shaqayn doonaan sidii xal waara looga gaari lahaa arrinta Somaliland, iyadoo loo marayo is qancin iyo garawshiyo si loo xaqiijiyo midnimadda dalka.

Dhankiisa, Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay "in arrinta Somaliland tabanayso ay tahay in si walaalnimo ku jirto looga wada hadlo, si loo gaaro natiijo wanaagsan oo saldhig u noqota midnimadda Umadda Soomaaliyeed".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM