Xukuumadda oo difaacay heshiiska Imaaraadka iyo Soomaaliya

Image
Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Daa'uud Aweys Jaamac [Photo: Garowe Online]

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka jawaabtey wararka ku gadaaman heshiiska ay la gashay Imaaraadka Carabta iyo ciidamadda dhowaan laga soo celiyey waddanka Eritrea.

Wasiirka warfaafinta xukuumadda, Daa'uud Aweys Jaamac oo shir jaraa'id la qabtey madaxa ATMIS, ayaa caddeeyay in heshiiska Abu Dhabi uusan ku jirin "hal qodob oo wax u dhimaya madax-banaanida dalka".

Mr Jaamac oo ka jawaabayay su'aal uu waydiiyey wariyaha Garowe Online ee Muqdisho, Cabdiraxmaan Cadaani, ayaa ku adkeystay in heshiiskaas uu hortagi doono baarlamaanka si ay u meelmariyaan.

"Heshiiska Imaaraadka wuxuu lamid yahay heshiisyada kale ee lala galay wadamadda taageera Soomaaliya mana jiro hal qodob oo ku jira heshiiska oo wax u dhimaya madax-banaanida Soomaaliya," ayuu yiri.

Wuxuu raaciyey: "Waxaan filayaa wararka suuqa yaalla ee ku saabsan heshiiskaas ay yihiin kuwa turi-ku-teyn ah sida dhabta ahna ay tahay heshiis dan u ah Soomaaliya ayna saas isla garteen golaha wasiirada".

Dhanka kale, wasiir Jaamac ayaa gaashaanka ku dhuftey warbixinada ku saabsan in ciidamadda laga soo celiyey Eritrea qaarkood ay ka baxeen xeryaha ku yaala magaala madaxda Muqdisho.

Tan iyo dhamaadka bishii hore ayay taagnaayeen warbixinada la xiriira in ciidamadan ay ka gadoodeen mushahar la'aan iyo in aysan helin qoondadii horey loogu balanqaadey taasoo keentay in madaxwaynuhu u tago.

Ciidamadan ayaa waxay ku kala jiraan ku dhowaad saddex xeryo oo ku yaala caasimadda waxaana loo diyaarinayaan in ay qeyb ka noqdaan howlgalada ka dhanka ah xoogaga xiriirka la leh shabakada Al-Qaacida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hogaamiye Al-Shabaab oo Mareykanka $5 million dul-dhigay madaxiisa oo lagu dilay Jilib 

Dowladda Federaalka ayaa mar kale adkaysay go’aankeeda ah inay sii waddo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    02-01-2026

  • 07:41AM

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka digay qorshaha Israel ka damacsan tahay Somaliland

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Muqdisho ay la xiriirtay bulshada caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 12:41PM