Xukuumadda oo difaacay heshiiska Imaaraadka iyo Soomaaliya

Image
Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Daa'uud Aweys Jaamac [Photo: Garowe Online]

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka jawaabtey wararka ku gadaaman heshiiska ay la gashay Imaaraadka Carabta iyo ciidamadda dhowaan laga soo celiyey waddanka Eritrea.

Wasiirka warfaafinta xukuumadda, Daa'uud Aweys Jaamac oo shir jaraa'id la qabtey madaxa ATMIS, ayaa caddeeyay in heshiiska Abu Dhabi uusan ku jirin "hal qodob oo wax u dhimaya madax-banaanida dalka".

Mr Jaamac oo ka jawaabayay su'aal uu waydiiyey wariyaha Garowe Online ee Muqdisho, Cabdiraxmaan Cadaani, ayaa ku adkeystay in heshiiskaas uu hortagi doono baarlamaanka si ay u meelmariyaan.

"Heshiiska Imaaraadka wuxuu lamid yahay heshiisyada kale ee lala galay wadamadda taageera Soomaaliya mana jiro hal qodob oo ku jira heshiiska oo wax u dhimaya madax-banaanida Soomaaliya," ayuu yiri.

Wuxuu raaciyey: "Waxaan filayaa wararka suuqa yaalla ee ku saabsan heshiiskaas ay yihiin kuwa turi-ku-teyn ah sida dhabta ahna ay tahay heshiis dan u ah Soomaaliya ayna saas isla garteen golaha wasiirada".

Dhanka kale, wasiir Jaamac ayaa gaashaanka ku dhuftey warbixinada ku saabsan in ciidamadda laga soo celiyey Eritrea qaarkood ay ka baxeen xeryaha ku yaala magaala madaxda Muqdisho.

Tan iyo dhamaadka bishii hore ayay taagnaayeen warbixinada la xiriira in ciidamadan ay ka gadoodeen mushahar la'aan iyo in aysan helin qoondadii horey loogu balanqaadey taasoo keentay in madaxwaynuhu u tago.

Ciidamadan ayaa waxay ku kala jiraan ku dhowaad saddex xeryo oo ku yaala caasimadda waxaana loo diyaarinayaan in ay qeyb ka noqdaan howlgalada ka dhanka ah xoogaga xiriirka la leh shabakada Al-Qaacida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM