Xukuumadda oo eedeysay Puntland iyo Jubaland

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo ka hadlay khilaafka doorashooyinka 2020-21, ayaa eedeyn kala dul-dhacay dowlad goboleedyadda Puntland iyo Jubaland.

Maxamuud oo kasoo jeeda Puntland ayaa meesha ka saarey in xukuumadda waqtiga kasii dhacayo ay qabaneyso "doorasho hal dhinac ah" isaga oo sheegay in labadan maamul ay fulin waayeen heshiiskii 17-kii September.

"Waxaa nasiib darro ah in dowlad goboleedyadda Puntland iyo Jubaland aysan kasoo bixin heshiiskaas ay ayagu qorteen," ayuu u sheegay VOA Soomaali. "Sidee markaas ku noqon kartaa mid hal dhinac ah? Sidda hadda isoo gaareysa dowlad goboleedyadda qaarkood iyo mucaaradka ma rabaan in doorasho la qabto, sidee dowladnimada isku bedeleysaa hadaan doorasho la qaban," ayuu xusay.

Diblumaasiga oo aan soo hadal-qaadin xukuumada diyaar u tahay wadahadal ayaa si aan toos ahayn wuxuu u sheegay in dowladda uu ka tirsan yahay ay doorasho qaban karto ayada oo ay maqan yihiin Puntland iyo Jubaland.

"Sidaas daraadeed, dowlad goboleedka HirShabelle, Koonfur Galbeed, Galmudug, gobolka Banaadir iyo Somaliland – shan waxay diyaar u yihiin in doorashadda la galo, laba waxay diyaar u tahay in aan doorashadii la gelin. Dowlad goboleedyada waxay qorteen in doorashada lagu halo 11 goobood – sideed waa diyaar, saddex oo ah Boosaaso, Garowe iyo Kismaayo ma ogola; Soomaali waxay ku fiican tahay in ay si wadajir ah wax u qabsato," ayuu hoosta ka xariiqay wasiirka.

Mr Maxamuud oo u muuqda mid ka jawaabaya dalabka musharaxiinta ee ah kaalintooda la siiyo ayaa xusay "cidda markii horaba mucaaradka u diidaneyd in heshiiska doorashadda qeyb ka noqdaan waxay ahayd dowlad goboleedyada".

Mar la waydiiyey hadii ay doorashada qabanayaan ayadda oo khilaafka jiro, Puntland iyo Jubaland oo ay wehliyaan musharaxiinta ka maqan yihiin, wasiirka ayaa ku jawaabay "kaligeen ma nihin illaa shan group [Koonfur Galbeed, HirShabelle, Galmudug, gobolka Banaadir iyo Somaliland] ayaa diyaar ah, waxa diidana waa laba – Puntland iyo Jubaland]".

Madaxweyne Farmaajo ayaa kasoo horjeeda in uu miiska wadahadal la fariisto daneeyeyaasha coddeynta, isaga oo u han-qal-taagaya in uu si juujuub ah ku meelmariyo qorshihiisa kusoo laabashada doorashooyinka 2020-21.

Guddiyadda doorasho ee xukuumadda magacowday, xulista wakiilada Somaliland iyo ciidanka dowladda geysay gobolka Gedo ayaa xudun u ah is-faham-waaga baajiyey jadwalkii doorasho ee heshiiskii September iyo kan xukuumadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM

Magaalooyinka Soomaaliya ee Turkiga kasoo saarayo shidaalka

Soomaaliya ayaa horraantii bishii Maarso heshiis cusub oo shidaal iyo gaas ah la saxiixatay Turkiga.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 05:44AM