Xukuumadda oo go'aan kasoo saartey dib u furida duulimaadyada gudaha

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Shir golaha wasiirradu maanta ay yeesheen oo uu guddoomiyay Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeen, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa lagu ogolaaday in dib loo furo duullimaadya gudaha si loo fududeeyo isu socodka Bulshada iyada oo lagu dhaqmayo talooyinka xakameynta faafitaanka COVID-19.

Golaha ayaa dood dheer oo ay yeesheen kadib waxay cod aqlabiyad leh ku ogolaadeen in si taxadar leh dib loogu bilaabo duullimaadka gudaha maalinta Axadda ah ee taariikhdu tahay July 05, 202o, iyada oo maalintiiba ay dowlad gobaleedyada dalka tageyso hal diyaarad.

Sidda lagu sheegay war-saxaafadeed, shirka golaha ayaa, dhanka kale, lagu meel mariyay Heshiiska Gaadiidka Badda ee Soomaaliya iyo Qatar iyo Hindise-sharciyeedka Summadaha Ganacsiga.

Golaha waxuu sidoo kale ansixiyay is-afgarad ganacsi oo u Dhexeeya Soomaaliya iyo Suudaan, Is-Afgarad Ku Saabsan Samaynta Guddi Sare oo Isku Dhaf ah oo u Dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar, Is-Afgarad Ku Saabsan Machadka Diblomaasiyadda oo u Dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar iyo Is-Afgarad La Xiriira Wada-tashiga Siyaasadeed ee Qadiyadaha ay Wada Danaynayaan Labada Wadan ee Soomaaliya iyo Qatar.

Qadar ayaa xiriir dhow la leh dowladda madaxweyne Farmaajo oo la aaminsan yahay in ay dhaqaale ku bixisay doorashadii uu kusoo baxay ee qabsoontay bishii Febraayo ee sanadkii 2017-kii.

Ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dhowaan u socdaalay Qadar, halkaas oo uu kula kulmay mas'uuliyiin, isagoo la tilmaamay in uu kala hadlay xoojinta iskaashiga amniga iyo dhaqaalaha.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horey dhowr jeer u sheegtay in ay dib u fureyso duulimaadyadda gudaha, balse ma aysan jirin dhaqan-qal dhinacaas ah. Lama ogga sababta dhabta ah ee ka dambeysa arrintaas, hase ahaatee, waxaa lagu macneeyay hubin lagu sameynayey xaalada Coronavirus ee dalka oo horey dartiis loo hakiyey duulimaadyada gudaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM