Xukuumadda oo ka falcelisay hanjabaadii Shariif Sheekh Axmed

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah waxay durba waxay kaga jawaabtay hanjabadaadii kasoo yeertay Shariif Sheekh Axmed, madaxweynihii 8aad ee dalka dhaca Geeska Afrika.

Hogaamiyaha xisbiga Himilo Qaran ayaa cod dheer ku sheegay "in hadii dowladda aysan joojin dulmiga ay ka saarayaan Muqdisho" kadib markii la carqaladeeyay socdaal ay ku tageen Beledwayne.

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, wasiirka warfaafinta, oo erayadda Shariif ku tilmaamay "kuwa lama filaan ah oo filan waa ku noqday" ayaa ku waaniyey in uu dhowro "sharafkiisa iyo muuqaalka qaran ee uu xambaarsan yahay".

"Dowladda Federaalka Soomaaliyeed waxay aad ula yaabtay hadalkii lama filaanka ahaa ee lasoo yeeray mudane Shariif Sheekh Axmed, madaxweynihii hore ee Soomaaliya," ayuu ku bilaabay hadalkiisa.

Wuxuu xusay: "Wuxuu ahaa hadal filan waa ku noqday guud ahaan Umadda Soomaaliyeed, kaasoo aan u qalmin maqaamka iyo karaamada laga filan karo qof dalkaan astaan qaran u soo nqoday".

"Sidaas awgeed, waxaan madaxweynihii hore, Shariif Sheekh Axmed, ugu yeereynaa in uu dhowro magaciisa iyo sharafkiisa kana taxadaro wax kasta oo dhaawacaya muuqaalka qaran ee uu xambaarsan yahay".

"Dowladda Soomaaliyeed, madaxdii hore ee qaranka iyo cid kasta oo dooneysa hore u socodnimadda dalkan, waxaa waajib ka saaran yahay ilaalinta, badqabka iyo amniga guud ee dalka," ayuu tibaaxay.

Maareeye ayaa ku daray: "Ummadda Soomaaliyeed waxay maanta hiigsaneysaa iyo nabad, cid kasta oo hogaan soo qabatay waxaa laga sugayaa in ay ka qeyb qaataan xoojinta iyo ka miro dhalinta himilooyinka iyo rajada shacabka".

Gurmadka fatahaadaha Beledwayne ayaa wuxuu u muuqdaa mid mid holac kusii shiday xifaaltanka siyaasadeed ee mucaaradka iyo dowladda, kuwaas oo u muuqda in ay xusul duub ugu jiraan doorashadda soo aadan ee 2020/21.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM

Turkiga oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay xil ka tuuristii Laftagareen

Eedaymahan ayaa imaanaya xilli magaalada Baydhabo ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada xoogga dalka.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:47PM