Xukuumadda oo tababar u furtey guddiyada doorashada ee la duray

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo tababar u furay Guddiyada Doorashooyinka ayaa kula dardaarmay shaqooyinka horyaalla in ay si daacada u gutaan.

Tababarkan oo soconaya muddo afar maalmood ah ayaa lagu baranayaa nidaamka maamulka doorashooyinka iyo xalinta khilaafaadka, taasoo ay bixinayaan khubaro aqoon u leh arrimaha doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in sababta bulshada qeybaheeda kala duwan looga soo xushay xubnahan ay tahay aqoon iyo waayo aragnimo lagu tuhmayo, isla markaana ay si daah furan uga shaqeeyaan in doorashooyinku ku dhacaan.

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka ayaa tilmaamay in guddiyadan ay ku yimaadeen heshiis ay gaareen Maamullada iyo Dowladda dhexe, isla markaana labada gole ansixiyeen Madaxwaynaha Jamhuuriyadduna ku soo saaray faafinta rasmiga ah.

Xukuumadda Soomaaliya

Related Articles

Qaramada Midoobay oo taageertay in wadahadal lagu xaliyo khilaaf doorasho iyo dastuur 

Qaramada Midoobay ayaa tilmaantay in madashani ay muhiim u tahay xoojinta wadajirka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 12:58PM

Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay Kudhaa kadib dagaal culus

Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay gaadiid dagaal iyo hub ay ciidamada ka furteen Al-Shabaab, oo katirsan Al-Qaacida.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 09:40AM