Xukuumadda oo war cusub kasoo saartay doorashada Jubaland

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo war cusub kasoo saartay doorashadda Jubbaland ayaa waxay ku fahfaahisay qorshaheeda cusub ee coddeynta maamulkaas.

War-saxaafadeedka oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa waxaa ugu horeyn lagu xusay in "dedaalo socday lix bilood ee lasoo dhaafay ee ku wajahanaa xalinta khilaafka ay fashilmeen".

Bayaanka oo lagu muujiyey in xukuumadu dabcisay mowqifkeedii hore ayaa lagu xusay in ay abuureyso "jawi nabdoon". Odayaasha Dhaqanka ee "saxda ah" ayay ku adkeystay in ay soo xubnaha cusub.

War-saxaafadeedka oo warbaahinta dowladda ay baahisay ayaa sidoo kale waxaa lagu xusay in ay soo magaabeyso Guddi doorasho.

Hase ahaatee, warka qoraalka ah laguma muddeynin goorta ay qabsoomeyso doorashadda. Hase ahaatee, habraacan ayaa yimid markii ay Golaha Wasiiradda ay mar sii horeysay waydiisteen Wasaarada.

Jubbaland waxaa horey uga qabsoontay doorasho uu kusoo baxay Axmed Madoobe laguna soo xulay mudaneyaal cusub. Balse, dowldda federaalka ah ayaa kasoo horjeesatay geedi u socodkaas.

Dhinaca kale, maamulka fadhigiisu yahay magaaladda dekadda leh ee Kismaayo ayaa nan illaa iyo haatan wuxuusan ka fal-celin warka cusub ee kasoo baxay Villa Soomaaliya.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa daboolka ka qaadey in ay diyaar u yihiin wada hadalo ay la galaan dowladda si loosoo afjaro ismaandhaafka siyaasadeed ee haatan jira.

Hoos ka akhriso qoraalka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM