Xukuumadda oo war cusub kasoo saartay doorashada Jubaland

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo war cusub kasoo saartay doorashadda Jubbaland ayaa waxay ku fahfaahisay qorshaheeda cusub ee coddeynta maamulkaas.

War-saxaafadeedka oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa waxaa ugu horeyn lagu xusay in "dedaalo socday lix bilood ee lasoo dhaafay ee ku wajahanaa xalinta khilaafka ay fashilmeen".

Bayaanka oo lagu muujiyey in xukuumadu dabcisay mowqifkeedii hore ayaa lagu xusay in ay abuureyso "jawi nabdoon". Odayaasha Dhaqanka ee "saxda ah" ayay ku adkeystay in ay soo xubnaha cusub.

War-saxaafadeedka oo warbaahinta dowladda ay baahisay ayaa sidoo kale waxaa lagu xusay in ay soo magaabeyso Guddi doorasho.

Hase ahaatee, warka qoraalka ah laguma muddeynin goorta ay qabsoomeyso doorashadda. Hase ahaatee, habraacan ayaa yimid markii ay Golaha Wasiiradda ay mar sii horeysay waydiisteen Wasaarada.

Jubbaland waxaa horey uga qabsoontay doorasho uu kusoo baxay Axmed Madoobe laguna soo xulay mudaneyaal cusub. Balse, dowldda federaalka ah ayaa kasoo horjeesatay geedi u socodkaas.

Dhinaca kale, maamulka fadhigiisu yahay magaaladda dekadda leh ee Kismaayo ayaa nan illaa iyo haatan wuxuusan ka fal-celin warka cusub ee kasoo baxay Villa Soomaaliya.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa daboolka ka qaadey in ay diyaar u yihiin wada hadalo ay la galaan dowladda si loosoo afjaro ismaandhaafka siyaasadeed ee haatan jira.

Hoos ka akhriso qoraalka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM