Xukuumadda Soomaaliya oo lacag ugu deeqdey dhibaneyaasha qaraxii Liido

Image
Lacagtan ayaa loogu talagalay in lagu taageero dhaawacyada iyo dib-u-dhiska nolosha dadka ay dhibaatadu soo gaartay.

MUQDISHO, Soomaaliya – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha, Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa yeeshay shir deg-deg ah oo looga hadlayey qaraxii argagixiso ee ka dhacay xeebta Liido Jimcihii la soo dhaafay.

Golaha ayaa ku dhawaaqay caawa in ay lacag Nus Milyan Dollar ah Xukuumaddu ugu talagashay in la siiyo dadka waxyeelladu ka soo gaartay qaraxaasi, halka Ra’iisul Wasaaruhu mushaarkiisa Bishan uu u jaray gurmadka dadka waxyeelladu soo gaartay, iyadoo dhammaan xubnaha Golaha Wasiirradana ay mushaharaadkooda qayb ka mid ah u jareen.

Lacagtan ayaa loogu talagalay in lagu taageero dhaawacyada iyo dib-u-dhiska nolosha dadka ay dhibaatadu soo gaartay weerarkaasi bahalnimo ee lagu xasuuqay shacab aan waxba galabsan. Xukuumadda ayaa qaadday tallaabooyin lagu xaqiijinayo sugidda amniga shacabka.

Dhinaca kale Golaha Wasiirrada ayaa caawa ansixiyay magacaabista Danjireyaal dalkeena uga hawlgali doona dibedda si loo dhameystito danaha diblomaasiyadeed ee aan ka leenahay caalamka.
Waxaana ay kala yihiin:

1. Ibraahim Cumar Sheegow – Safiir
2. Sheekhnuur Maxamed Xasan – Safiir
3. Jaamac Xasan Khaliif – Safiir
4. Dr. Cabdulkhaadir A. Xaashi – Safiir
5. Fardowsa Maxamed Qanyare – Safiir
6. Faysal Axmed Salaad – Safiir
7. Abiib Muuse Faarax – Safiir
8. Dr. Hodan Cismaan Cabdi – Safiir
9. Ilyaas Cali Xasan – Safiir
10. Dr. Sakhawadiin Mustaf Maxamed – Safiir
11. Maxamed Abuukar Zubeer – Safiir
12. Cabdinuur Daahir Fiidow – Safiir
13. Cabdiweli Xirsi Cabdulle (Indhaguran) – Qunsul Guud
14. Cabdikariin Axmed Maxamed – Qunsul Guud

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kadib markii uu codeeyay, Xasan Sheekh oo ku baaqay wadahadal xilli uu jiro Khilaaf doorasho

Doorashadan maanta waa xilli taariikhi ah," ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo xusay in hirgelinta nidaamka hal qof.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 10:58AM

Al-Shabaab oo weli ah khatarta ugu weyn ee amniga Soomaaliya iyo Geeska Afrika 

In kasta oo dadaallo joogto ah oo ay wadaan ciidanka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah lagu xakameynayo howlgallada Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 07:45AM