Xukuumadda Soomaaliya oo xaqiijisay qabashada Cabdirashiid Janan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxay si rasmi ah u xaqiijisay xariga wasiirkii amniga Jubbaland.

Cabdirashiid Janan ayaa waxaa laga qabtay madaarka Aadan Cadde ee Muqdisho isaga oo ka yimid magaaladda Doolow kuna sii jeeday Addis Ababa.

Wasiir ku xigeenka macdanta iyo batroolka Soomaaliya, Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal, ayaa sheegay in Mr Janan uu aad u doon-doonayey booliska caalamka ee Interpol.

"Abdirashid Janan Wasiir kii hore ee Amniga DG Jubaland oo danbiyo kala duwan ka galay Bulshada Reer Gedo iyo degaanada ladariska ah kuna raad joogeen Booliska Caalamiga ah (Interpol) iyo Laanta danbi baarista Booliska Soomaaliyeed (CID) ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho," ayuu ku yiri bartiisa Twitter-ka.

Dhinaca kale, ma jiro wax war ah oo ku aadan xariga Janan oo kasoo baxay maamul goboleedka Jubbaland, illaa iyo haatan.

Lama ogga hadii Mr Janan maxkamad lagu soo taagi doono magaala madaxda dalka dhaca Geeska qaaradda, mana jiro war ay qabashadiisa kasoo saareen laamaha ammaanka.

Talaabadan ayaa kusoo aadeysa iyadda oo cilaaqaadka u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamulka Kismaayo uu xumaa mudooyinkii dambe, isla markaana aysan jirin wadashaqeyn dhexmarta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Imaaraadka oo Joojiyay Taageeradii Amni uu siin jiray dowladda Soomaaliya 

Wasiirka ayaa sheegay in taageerada Imaaraadku ay inta badan ku koobnayd dhinaca ciidamada iyo hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    17-02-2026

  • 08:54AM

Cirro: “Somaliland Waa Albaabka Mareykanku u Mari Karo La-dagaallanka Shiinaha iyo Argagixisada”

Dhanka kale, Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay hodan ku tahay kheyraad macdan oo muhiim ah.

  • Soomaliya

    16-02-2026

  • 04:22PM