Xukuumadda Soomaaliya oo xaqiijisay qabashada Cabdirashiid Janan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxay si rasmi ah u xaqiijisay xariga wasiirkii amniga Jubbaland.

Cabdirashiid Janan ayaa waxaa laga qabtay madaarka Aadan Cadde ee Muqdisho isaga oo ka yimid magaaladda Doolow kuna sii jeeday Addis Ababa.

Wasiir ku xigeenka macdanta iyo batroolka Soomaaliya, Maxamuud Cabdiqaadir Hilaal, ayaa sheegay in Mr Janan uu aad u doon-doonayey booliska caalamka ee Interpol.

"Abdirashid Janan Wasiir kii hore ee Amniga DG Jubaland oo danbiyo kala duwan ka galay Bulshada Reer Gedo iyo degaanada ladariska ah kuna raad joogeen Booliska Caalamiga ah (Interpol) iyo Laanta danbi baarista Booliska Soomaaliyeed (CID) ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho," ayuu ku yiri bartiisa Twitter-ka.

Dhinaca kale, ma jiro wax war ah oo ku aadan xariga Janan oo kasoo baxay maamul goboleedka Jubbaland, illaa iyo haatan.

Lama ogga hadii Mr Janan maxkamad lagu soo taagi doono magaala madaxda dalka dhaca Geeska qaaradda, mana jiro war ay qabashadiisa kasoo saareen laamaha ammaanka.

Talaabadan ayaa kusoo aadeysa iyadda oo cilaaqaadka u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamulka Kismaayo uu xumaa mudooyinkii dambe, isla markaana aysan jirin wadashaqeyn dhexmarta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM