Xulka Qaranka oo soo saraay liiska ciyaartooyda ka qeyb galiya Isreebreebka Ciyaaraha Aduunka 2026kii

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xulka Qaranka Soomaaliya ayaa maanta soo saaray liiska hordhaca ah ee ciyaartooyda ka qeyb gali doonaa Isreebreebka Ciyaaraha Aduunka 2026kii.

Liiskan ayaa ka kooban 35 ciyaaryahan kuwaas oo lagu soo xulay qaab-ciyaareedka ay soo bandhigeen bilihii la soo dhaafay sidoo saxaafadda la wadaagay Tababaraha Xulka Rachid Lousteque.

Ciyaartooydan ayaa isugu jira kuwoo ka ciyaara gudaha dalka iyo dibadda-ba, halka uu sheegay tababaraha inuu kalsooni weyn ku qabo magacyada uu soo xushay.

Xulka ayaa jab weyn kala kulmay tartamadii ugu dambeyii uu ka qeyb galay, waxuuna ku jira xilligan kaalinta 194-aad ee Qiimeynta FIFA ee Kubada Cagta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM