Xuseen Cabdi Xalane oo shaaciyey in uu yahay murashax madaxweyne

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirkii hore ee maaliyada Soomaaliya, Xuseen Cabdi Xalane, ayaa ku dhawaaqay in uu murashax madaxweyne u yahay doorashooyinka aan wali lagu heshiin ee Soomaaliya sanadka 2020-21.

Xalane, hogaamiyaha Xisbiga Nolosha iyo Cadaalada oo sheegay in uu waaya-aragnimo badan haysto, ayaa wariyey in talaabadaan uu shaaciyey kadib markii uu la tashaday saamiley kala duwan.

Xili uu ka dhawaajiyey in uu u soo diyaar-garoobay loolanka dhanka kursiga ugu sareeya Soomaaliya, Xalane ayaa hoosta ka xariiqay in uu diirada saarayo wax ka qabashada ammaanka iyo xasilooni dhaqaalaha.

Isbedel dhab ah oo ku yimaada xaalada uu waqti xaadirkaan ku sugan yahay waddanka ayuu xusay in uu rajo fiican ka qabo.

Sikastaba, Xalane wuxuu noqonayaa siyaasigii ugu dambeeyay ee iclaamiya in uu goobayo xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Xasan Cali Khayre, ra'iisul wasaarihii 19aad ee Soomaaliya kaasoo baarlamaanka eryay 25-kii July, 2020, ayaa kamid ah xubnaha isu soo taagay jagadan, isagoo sheegay in uu haysto khibrad caqabadaha jira.

Madaxweynaha waqtiga kasii dhacayo ee Farmaajo oo horey u caddeeyay in ay ka go'an tahay in uu difaacdo kursigiisa ayaa waxaa horey lagu eedeeyay in uu damaciisa ku saleynayo coddeynta nagu soo fool leh.

Wadahadalo looga tashanayo nooc ay noqoneyso doorashada soo aadan, waqtiga, cidda maamuleysa iyo doorka maamulada ayaa ka socda Villa Soomaaliya, iyaddoo war-murtiyeed laga filayo.

Muddo xileedka baarlamaanka haatan jooga ee Soomaaliya ayaa dhacaya bisha November, 2020, halka xukuumadda uu ka dhamaanayo Febraayo, 2021, taasoo la macno in waqtigu yar-yahay, lagana digay muddo kororsi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo aqbalay ka-qaybgalka madasha wadahadalka qaran ee Muqdisho

Khilaafaad siyaasadeed iyo kuwo dastuur oo sii xoogeysanaya, kana taagan dhismaha dowladnimada iyo hab-maamulka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 12:16PM

Golaha Shacabka Oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Macdanta Soomaaliya

Qeybsiga iyo maamulka Khayraadka dalka ayaa ah mid wali aan heshiis lagu ahayn, oo dowladda iyo Maamulada Federaalka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 09:32AM