Xuseen Cabdi Xalane oo shaaciyey in uu yahay murashax madaxweyne

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirkii hore ee maaliyada Soomaaliya, Xuseen Cabdi Xalane, ayaa ku dhawaaqay in uu murashax madaxweyne u yahay doorashooyinka aan wali lagu heshiin ee Soomaaliya sanadka 2020-21.

Xalane, hogaamiyaha Xisbiga Nolosha iyo Cadaalada oo sheegay in uu waaya-aragnimo badan haysto, ayaa wariyey in talaabadaan uu shaaciyey kadib markii uu la tashaday saamiley kala duwan.

Xili uu ka dhawaajiyey in uu u soo diyaar-garoobay loolanka dhanka kursiga ugu sareeya Soomaaliya, Xalane ayaa hoosta ka xariiqay in uu diirada saarayo wax ka qabashada ammaanka iyo xasilooni dhaqaalaha.

Isbedel dhab ah oo ku yimaada xaalada uu waqti xaadirkaan ku sugan yahay waddanka ayuu xusay in uu rajo fiican ka qabo.

Sikastaba, Xalane wuxuu noqonayaa siyaasigii ugu dambeeyay ee iclaamiya in uu goobayo xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Xasan Cali Khayre, ra'iisul wasaarihii 19aad ee Soomaaliya kaasoo baarlamaanka eryay 25-kii July, 2020, ayaa kamid ah xubnaha isu soo taagay jagadan, isagoo sheegay in uu haysto khibrad caqabadaha jira.

Madaxweynaha waqtiga kasii dhacayo ee Farmaajo oo horey u caddeeyay in ay ka go'an tahay in uu difaacdo kursigiisa ayaa waxaa horey lagu eedeeyay in uu damaciisa ku saleynayo coddeynta nagu soo fool leh.

Wadahadalo looga tashanayo nooc ay noqoneyso doorashada soo aadan, waqtiga, cidda maamuleysa iyo doorka maamulada ayaa ka socda Villa Soomaaliya, iyaddoo war-murtiyeed laga filayo.

Muddo xileedka baarlamaanka haatan jooga ee Soomaaliya ayaa dhacaya bisha November, 2020, halka xukuumadda uu ka dhamaanayo Febraayo, 2021, taasoo la macno in waqtigu yar-yahay, lagana digay muddo kororsi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM