Xuska maalinta qaranimada Italy oo lagu qabtey Muqdisho [Sawirro]

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Mas'uuliyiin uu hogaaminayo Ra'iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed [Khadar] ayaa waxay maanta ka qeybgaleen xuska maalinta Qaranimada dalka Talyaaniga oo Muqdisho lagu qabtay.

Munaasabadda oo ka dhex-dhacday xeradda Xalane, oo ah xarunta Taliska Ciidamada AMISOM ayaa waxaa sidoo kale kasoo muuqday Wasiirada Gaashaandhiga, Xasan Cali, iyo Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan.

Sidoo kale, waxaa xafladda ka qeybgalay Taliyaha ciidanka xooga dalka Soomaaliya, Janaaral Cabdiweli Jaamac Gorod, Wakiiladda beesha caalamka iyo kuwa ka socotay Hay'addaha caalamiga.

Hadallo kala duwan oo ay halkaas ka jeediyeen waxay ku amaaneeyn doorka ay dowladda Talyaaniga ka qaadatay sidii ay dib loogu soo celin lahaa Soomaaliya wadada horumarka iyo barwaaqadda.

Sidaasi si lamid ah, waxaa munaasabada joogay xubno ka socday xafiiska howlgalka Midowga Afrika, oo uu hogaaminayey Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahna madaxa AMISOM, Francisco Caetano Jose Madeira.

Safiirka Talyaaniga u fadhiya Muqdisho Carlo Campanile iyo shaqaalaha Safaraadda xukuumadda Rome ee Soomaaliya ayaa sidoo kale munaasabadda goobjoog ahaa.

Sanad walba 2-da June ayey u dabaal-degaan dadka Talyaaniga maalinta Qaranimada dalkooda, waana maalintii dadka Talyaaniga u codeeyeen inay qaataan nidaamka Jamhuuriyad.

Munaasabadaan maanta lagu qabtay caasimada Soomaaliya ee lagu xusayey maalintaan ayaa inkastoo watigeeda lasoo dhaafay, hadana ujeedkeeda ayaa lagu sheegay muujinta doorka safaarada Talyaaniga ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Ammaanay Guusha Puntland ka gaartay Dagaalka Daacish

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ciidamada ammaanka Puntland ay wadaan hawlgallo xooggan oo ka dhan ah kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 04:13PM

Soomaaliya oo Safiir Cusub u Magacowday Suuriya oo tan iyo 2011 dagaal ku jirtay

Danjirihii hore ee ku-meel gaarka ahaa, Daahir Maxamuud Muuse, ayaa horey u aas-aasay wadashaqeynta dib u furashada xiriirka.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 03:55PM