Yaa ka dambeeyey Siideynta Qalbi-Dhagax? [WAREYSI]

Image

ADDIS ABABA - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya sii deynta Cabdikariim Sheekh Muuse [Qalbi Dhagax], oo katirsan Jabhadda ONLF, kaasi oo mudo ku dhaw hal sano ku jiray xabsi ku yaalla magaalada Addis Ababa.

Qalbi Dhagax, oo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya u gacan gelisay Ethiopia bishii August 2017, ayaa maanta oo khamiis ah [28-ka June] dib u helay xorriyadiisa, kadib markii uu isbedel ka dhacay dalkaasi.

Waxaa baraha bulshada lasoo dhigay sawirrada isagoo si xor ah u jooga Addis Ababa, iyadoo aysan jirin illaa hadda wax hadal ah oo uu Qalbi Dhagax siiyay Warbaahinta gudaha iyo dibadda Ethiopia.

Suldaan Fowzi Maxamed oo Gurigiisa la geeyay Qalbi Dhagax ayaa sheegay in  shuruud la'aan lagu soo daayay sarkaalkaan ka tirsanaa ONLF, isagoo intaasi ku daray in wax dhib ah loo geysan intii uu xirnaa.

Mar wax laga waydiiyay cida ka dambeysa sii deynta Qalbi Dhagax, ayaa Suldaan Fowzi wuxuu ku wajaabey in amar kasoo baxay Ra'iisul Wasaaraha cusub ee dalka Ethiopia Abiy Axmed lagu sii daayay.

Suldaan Fowzi Maxamed Cali ayaa si kukul u beeniyay wararka sheegaya in dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ka dambeysay siideyntiisa Qalbi Dhagax, oo iyadu horey ugu gacan-gelisay Ethiopia.

Wuxuu sheegay in sii deyntiisa ay ka dambeeyeen Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed, Odayaasha Beeshiisa, Siyaasiyiin iyo Hay'adaha xuquuqda aadanaha ee dalkaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM