Yuusuf Garaad oo ka hadlay go'aanka maamullada [Dhageyso]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya -Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa si cad uga hadashay Khilaafka kala dhaxeeya qaar kamid ah maamul goboleedyada dalka, taasi oo ka dhalatay arrimaha Khaliijka.

Yuusuf Garaad Cumar, Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Yusuf Garaad Cumar oo VOA la hadlay, ayaa sheegay in maamul goboleedyada aysan awood u lahayn inay galaan heshiisyo dibadda.

Wuxuu tilmaamay in Soomaaliya ay ka jirto dowlad la aqoonsa yahay, oo uga wakiil ah Siyaasadda dibadda, sidaasi darteedna ay maamul goboleedyada arintaasi uga danbeeyaan dowladda dhexe.

Wasiirka ayaa daboolka ka qaadey in dowladda Federaalka ay diyaar u tahay inay la fariisato, oo dhageysato tabashooyinka maamul-goboleeyada, si looga qanciyo mowqifka arrimaha Khaliijka.

Isagoo hadalkiisa sii wato ayaa Yuusuf Garaad waxa uu xusay in dalka uu ka gudbay xilligii qof walba uu talin jiray iyo in Madaxweyne maamul goboleedyo uu dibadda tago oo heshiis dowlad lasoo galo.

Dhanka kale, Yuusuf Garaad ayaa ka hadlay Safarkii Madaxweynaha ku tagay Sacuudiga, oo isago uu qeyb ka yahay, wuxuuna sheegay in Booqashada ay kusii idlaatay si habsami leh oo natiijo leh.

"Soomaaliya iyo Sacuudiga waxay ku heshiiyeen inay xoojiyaan Xiirka iskaashi ee ka dhexeeya, gaar ahaan dhaqaalaha, maalgashiga iyo la dagaalanka Argagaxisada," ayuu yiri Yuusuf Garaad Cumar.

Yuusuf ayaa dhanka kale xusay in wax isbeddel ah aanu ku iman mowqifkii dhex-dhexaadnimo ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka qaadatay xiisadda khaliijka bishii June ee sanadkan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM