​Wasiiro is-casilay xukuumadda Galmudug [Dhageyso]

Image

CADAADO, Somalia- Xubno katirsan golaha xukuumadda maamulka Galmudug ee uu hogaamiyo Cabdikariim Xuseen Guuleed, ayaa ku dhawaaqay inay shaqadii isaga tageen kadib markii ay la hadleen warbaahinta.

Wasiiru Dowlihii Wasaarada Qorsheynta ee Maamulka Galmudug Cabdiraxmaan Maxamed Cusmaan (Sayruuq), oo Shir Jaraa'id ku qabtay magaalada Cadaado ayaa iska-casilay Xilka.

Sayruuq wuxuu sheegay in Maamulka Galmudug, uu noqday mid loogu adeego Dano Shaqsiyadeed, oo ka weecday Wadadii loogu talo galay ee ahayd inuu u adeego Shacabka doortay.

Madaxweynaha Galmudug ayuu ku eedeeyay inuu isku koobay awoodda, oo isaga oo kaliya la kulmo Hay'adaha Deeqaha biya iyo Safarada Dibadda ah, taasina ay aad u niyad jebisay Wasiirada oo mudo lacag la'aan ku shaqeynayay.

Dhinaca kale Cabdifitaax Maxamuud Axmed, oo ahaa Wasiirk ku xigeen Wasiirada Deegaanka, Dhirta iyo Daaqa ayaa sheegay in Warqada Is-casilaadiisa u gudbiyay Madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed, lagana aqbaly.

Cabdifitaax, ayaa ku sheegay sababta isku-casilay inay tahay mid Shaqsiyadeed.

Waa wasiirkii labaad oo muddo 24 gudaheed ah ku dhawaaqa inuu shaqadii ka tagay iyadoo maamulkaasi muddooyinkii dambe ku jiray dagaallo uu la galay Puntland iyo Ahlu Sunna Waljamaaca.

GAROWEONLINE

Related Articles

Khilaaf ka taagan cidda hoggaaminaysa Koonfur Galbeed xilliga kala-guurka

Imaanshaha weftiga ayaa muujinaya bilowga kala-guur ay hoggaaminayso dowladda federaalka, kadib iscasilaaddii Laftagareen.

  • Soomaliya

    31-03-2026

  • 01:43PM

Go’doomintii hawada ee Koonfur Galbeed oo dhammaatay: Diyaaradaha rayidka ah oo ka degay Baydhabo.

Adan Maalim Ibraahim, oo ah wakiil socdaal oo ka howlgala Baydhabo, ayaa sheegay in tigidhada la bilaabay in la qabsado xalay.

  • Soomaliya

    31-03-2026

  • 11:56AM