Madaxweyne Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka u Gudbiyay Dacwad ka Dhan ah Faragelinta Itoobiya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya — Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekha Maxamuud, ayaa maanta xarunta Madaxtooyada kulan deg-deg ah kula leh diblumaasiyiyiinta beesha caalamka ee ku sugan xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku sugan Muqdisho ayaa sheegay in Madaxweynuhu uu wakiillada caalamka siin doono warbixin ku saabsan xaaladda ugu dambeysa ee dalka, gaar ahaan amniga iyo siyaasadda. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu si adag ugu dacwoodo faragelin uu sheegay inay dowladda Itoobiya ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wakiillada beesha caalamka hordhigi doona cabasho ka dhan ah qorshaha xukuumadda Addis Ababa ay ku taageerayso Madaxweynaha dib loo doortay ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), iyo xiriirka tooska ah ee ay Itoobiya la leedahay maamulka Somaliland.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli uu jiro ismari-waa diblumaasiyadeed oo xooggan oo u dhexeeya Muqdisho iyo Addis Ababa, kaas oo salka ku haya madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Dowladda Federaalka ayaa kulankan u aragta fursad ay ku weydiisato beesha caalamka inay cadaadis saaraan Itoobiya si ay u joojiso wax ay ku tilmaameen falal lagu wiiqayo xasiloonida dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pakistan iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga difaaca iyo amniga

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa uga mahadceliyay Pakistan taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 02:28PM

Sheekh Shariif: Ciidamada Qaranka waxaa laga weeciyay dagaalka Al-Shabaab

Khamiistii, ciidamada Puntland ayaa la wareegay saldhig ku yaalla Boosaaso oo ay hore u deganaayeen ciidamo hore loogu yiqiin PSF.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 06:50AM