Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan ugu yeerey madaxda maamulada, xilli ay xiriirka u jareen

Image

MUQDISHO - Qoraal kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegey in kulan wadashi ah la isugu yeerey Madaxda dowlad goboleedyada, kaasoo aan lagu xusin go'aankii maanta kasoo baxay magaalada Kismayo.

Warsaxafadeedkaan ayaa lagu sheegey in maalmaha 17-18 Sept,2018 kulankaan ka dhici doona magaalada Muqdisho iyadoo lagu sheegey qoraalkaan in looga wada-tashan doona howlaha muhiimka ah ee horyaala Golaha amniga Qaranka.

Qodobada lagu xusey in kulankaan lagaga hadli doona ayaa waxaa kamid ah kuwii maanta madaxda maamulada Soomaalida ku eedeeyeen iney dowlada Federaalka ka gaabisay inta ay xukunka hayeen madaxda sare ee dowlada kuwasoo ay kamid yihiin amniga gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha Al-shabaab.

Qoaraalkaan ayaa lagu xusey in xalka Masiiriga ah ee dalka tahay mid u taalla Soomaalida iyadoo lagu akhrin karo hadalkan in dowlada Federaalka Soomaaliya ku eedeyneyso madaxda maamulada iney u gacan haatinayaan dowladu shisheeye.

Madaxda Soomaalida ayaa warmurtiyeed ay maanta kasoo saareen Kismaayo shurruud ku xirey wadashaqeyn dambe ay la yeeshaan dowlada Federaalka Soomaaliya. Halkaan ka akhri

Hogaamiye-yaasha maamulada Soomaaliya ayaa waxaa ku soo fool leh doorashooyin kuwasoo dhacaya inta u dhexeysaa dabayaaqada sanadkaan iyo bartamaha sanadka 2019.

Warsaxafadeedka Madaxtooyada Soomaaliya kasoo baxay ayaa u qoraa sidatan: 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir wadatashi ah ugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada.

Shirkaas oo ka dhici doona magaalada Muqdisho 17ka ilaa 18ka Sebteembar, 2018 ayaa looga wada-tashan doonaa dardargelinta hawlaha muhiimka ah ee horyaalla Golaha Amniga Qaranka.

Qodobbada looga hadli doono shirka waxaa kamid ah arrimaha amniga, dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah ee Al Shabaab iyo Daacish, hirgelinka siyaasadda loo dhanyahay iyo ka shaqeynta arrimaha horumarinta dhaqaalaha, si dalka loo gaarsiiyo isku filnaasho iyo horumar waara.

Sidoo kale, waxaa shirkaas looga arrinsan doonaa arrimo muhiim u ah hannaanka dowladnimada Soomaaliya oo ku jirta marxalad soo kabasho ah. Qodobadan ayaa ah kuwa fulintooda iyo hirgalintoodu ay u baahan tahay wadajir iyo wadashaqeyn.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay adkeynaysaa in xal u helista arrimaha masiiriga ah ee dalka ay tahay mid u taalla Soomaalida, iyada oo loo marayo hab ku saleysan wadatashi, isu tanaasul iyo ilaalinta danta guud oo ah waajib saaran dhammaan madaxda qaranka, heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

DHAMMAAD

Related Articles

Digniin Ku Saabsan xiligaan abaarta ah iyo heer kulka caalamka oo kordhay

Tani waxay qayb ka tahay ka hortagga suurtagalka ah ee dabka oo si weyn u burburin kara deegaanka iyo nolosha duurjoogta.

  • War Saxaafaded

    15-04-2024

  • 05:35AM

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo soo saarey war-murtiyeed wadajir ah

Bayaankan ayaa kasoo baxay shirkii Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed bin Salmaan.

  • War Saxaafaded

    07-04-2024

  • 08:00PM