Meel kasta meyd: Goobjoogeyaal iyo xasuuqii Soobe

Image
Weerarkan ayaa dhacay xilli madaxda ugu sareysa dalka ay ka shirayeen ciribtirka xagjirnimadda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Shalay waqti dareenka indhaha kusii jeeday shir ay wada xaadireen dhamaan madaxda dowladda federaalka iyo maamuladda, dareenka ayaa mar qura u jiheystay isgoyska Soobe.

Laba qarax oo ka dhashay laba gaari la rumeysan in ay saarnaayeen naftood-haligeyaal ayaa beegsadey dhismaha Wasaaradda Waxbarashadda halkaasoo tobanaan ruux ay ku nafwaayeen.

Goobjoogeyaashii ugu horeeyay oo tagay meesha ay wax ka dhaceen ayaa sharaxay jawiga siduu isku badalay iyo wixii ugu horeeyay oo ay indhaooda qabteen markii ay tageen goobta.

"Waxaan ku arkay qiiq aad u weyn oo kasoo baxay agagaarka wasaaradda, waxaana ka muuqda burbur aad u weyn," ayay tiri Aamino Salaad, oo kamid ah goob-joogeyaashii ugu horeeyay ee la hadlay saxaafada.

Dhankiisa Cabdiraxmaan Ciise, oo dhowr tilaabo ah u jiray meesha ay wax ka dhaceen, ayaa sheegay in wadada ay ahayd mid mashquul ah, markii uu qaraxa koowaad dhacay.

"Aniga waxaan u jiray 100 mitir markii qaraxa labaad uu dhacay," ayuu yiri goobjooge kale Cabdirazaaq Xasan. Waxa uu intaa ku daray: "Ma tirin karin meydadka dhulka yaalay iyo (tirada) dhimashada".

Xasan ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay in qaraxa koowaad uu ku dhacay darbiga wasaaradda waxbarashada, halkaasi oo ay ku sugnaayeen ganacsato iyo sariflayaal.

Wariye ka tirsan wakaaladda wararka Associated Press oo tagay goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa sheegay in qaraxa labaad uu ka dhacay afaafka hore ee maqaaxi mashquul badan oo xiliga qadada ah.

Qaraxyada ayaa burbur baaxad leh waxay u geysteen mootooyinka loo yaqaano tuk-tuk iyo gaadiid kale oo ku yaalla agagaarka maqaayado iyo hoteello badan.

"Wuxuu arkay meydad badan wuxuuna sheegay inay u muuqdeen dad rayid ah oo la socday gaadiidka dadweynaha," ayay AP kasoo xigatay saxafiga oo magaciisa aysan shaacin.

Weerarkan ayaa dhacay xilli madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo mas’uuliyiin kale ay ka shirayeen la dagaalanka xagjirnimada, gaar ahaan kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab oo inta badan beegsata caasimadda.

Sidoo kale, wuxuu weerarkan yimid shan sano kadib markii qarax kale oo weyn oo isla goobtaas ka dhacay ay ku dhinteen in ka badan 500 oo qof ayna ku dhaawacmeen in ka badan kun kale rayid ah kuna jiraan haween.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Olole loogu magacdaray 'Garowe nadiif ah" oo bilowday

Ololaha nadiifinta magaalada oo ay ka qeybgalayaan 5,000 oo qof oo ka kala yimi xaafadaha caasimada Puntland.

  • Wareysiyo

    15-12-2022

  • 09:14AM

Saddex sabab oo Soomaaliya ugu dhawaaqi karin macluul

Hay'adaha gargaarka ayaa lagu waramay in ay ku cadaadinayaan dowladda in ay iclaamiso "xaalad gaajo ah".

  • Wareysiyo

    07-11-2022

  • 03:48PM