Olole loogu magacdaray 'Garowe nadiif ah" oo bilowday

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Ololaha nadiifinta magaalada oo ay ka qeybgalayaan 5,000 oo qof oo ka kala yimi xaafadaha caasimada Puntland.

GAROWE, Puntland - Magaalada Garoowe ee caasimada Puntland waxaa maanta laga sameeyay olole lagu nadiifinayo magaalada isla markaasina lagu hagaajinayo bilicda magaalada, Kaasi oo ay soo diyaarisay Dowladda Hoose ee Garoowe.

Ololaha nadiifinta magaalada oo ay ka qeybgalayaan 5,000 oo qof oo ka kala yimi xaafadaha magaalada, ayaa waxaa wadajir u daah-furay saaka Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa, Guddoomiyaha Degmada Garoowe Cabdiqaadir Maxamed Maxamuud Geeddi iyo Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Maxamuud Xasan Maxamed (Cawil Mataan).

Guddoomiyaha Degmada Garoowe Cabdiqaadir Maxamed Maxamuud Geedi ayaa markii shaqadu bilowmatay wuxuu kormeeray ugu yaraan Lix xarumood oo kala duwan oo ay shaqadu ka socoto, Halkaasi oo uu Bulshada dhiirigelinayey.

Waa markii ugu horeysay ee Olole nadaafadeed oo heerkan ah laga sameeyo Caasimadda Garoowe, waxaana Bulshadu soo dhoweysay in ay Dowladda hoose kala shaqeeyaan Garoowe nadiif ah oo bilicsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Saddex sabab oo Soomaaliya ugu dhawaaqi karin macluul

Hay'adaha gargaarka ayaa lagu waramay in ay ku cadaadinayaan dowladda in ay iclaamiso "xaalad gaajo ah".

  • Wareysiyo

    07-11-2022

  • 03:48PM

Meel kasta meyd: Goobjoogeyaal iyo xasuuqii Soobe

Weerarkan ayaa dhacay xilli madaxda ugu sareysa dalka ay ka shirayeen ciribtirka xagjirnimadda.

  • Wareysiyo

    30-10-2022

  • 03:27AM