Abiy Axmed: Hab nabadeed ayaan ku raadineynaa marin badeedka

Image
Hadalkan ayaa wuxuu ka hor-imaanayaa hanjabaadihii hore ee ku aadanaa in ay dagaal u galayaan.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya ayaa Khamiista todobaadkii lasoo dhaafay sheegay in dalkiisu uu ku raadinayo marinka Badda Cas “hab nabadeed”.

Hadalkan ayaa wuxuu kusoo hagaagayaa iyadoo uu cirka isku sii shareerayo khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya ee ku saabsan soo gelista badda.

Abiy Axmed oo ka hadlayay baarlamaanka oo su’aalo ay ku weydiiyeen mudanayaasha baarlamaanka ayaa sheegay in Itoobiya ay arrintan ka taagan tahay mowqif cad.

"Dunidu ha maqasho maanta, Itoobiya waxay ilaalinaysaa dano qaran oo cad - waxay u baahan tahay marinka badda cas iyada oo loo marayo hab nabadeed," ayuu yidhi.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, wasiirka koowaad ee xukuumadda Addis Ababa ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay: "Haddii aynaan guulaysan, carruurteenna way dhici doonaan".

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waxaa u dhexeeya khilaaf diblumaasiyadeed oo aad u kulul, tan iyo markii ay Addis Ababa bishii January heshiis is-afgarad ah la saxiixdeen Somaliland.

Tallaabadaas ayaa waxay Soomaaliya u aragtay ama ay ku tilmaamtay mid xad-gudub ku ah qaranimada iyo madax-banaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabhadda Tigray oo sheegtay inay dishay in ka badan 1,500 askari oo Itoobiyaan ah

Dowladda Itoobiya iyo milatarigeeda ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin tirada khasaaraha ay jabhaddu sheegtay.

  • Afrika

    21-10-2026

  • 06:06AM

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM