Abiy Axmed oo ka hadlay arrinta xiisadda dagaal ee Itoobiya iyo Eritrea iyo gelitaanka Badda Cas

Image

ADDIS ABABA - Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa sheegay in dalkiisu uusan doonaynin inuu dagaal la galo Eritrea si uu u helo marinka Badda Cas, iyadoo ay jiraan cabsi laga qabo dagaal ka dhex qarxa labada dal.

“Itoobiya ma doonayso inay gasho dagaal la xiriira helitaanka marin Badda Cas,” ayuu yiri Ra'iisul Wasaaraha Abiy Ahmed.

Inkastoo helitaanka marin Badda Cas ay arrin muhiim ah u tahay Itoobiya oo ah dal aan bad lahayn, haddana dowladda Abiy Ahmed waxay dooneysaa inay arrintan si nabadeed ku hesho.

Cabsi ayaa jirtay dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay, kadib markii Eritrea ay gashay diyaar-garow militari, iyadoo Itoobiya ay ciidamo geeysay xuduudda, sida ay sheegayaan ilo dublamaasiyadeed iyo mas'uuliyiin.

Himilooyinka Abiy Ahmed ee ah in Itoobiya ay hesho marin Badda Cas ayaa dhaliyay caro ka timaada Eritrea, taasoo ku eedeysay Itoobiya in ay doonayso inay gacanta ku dhigto dekedda Assab.

“Eritrea waxay ku jahwareersan tahay himilooyinka Itoobiya ee khaldan iyo kuwa duugoobay ee ku saabsan helitaanka marin badeed iyo saldhig badeed ‘iyadoo loo marayo diblomaasiyad ama awood milatari’,” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Eritrea, Yemane Gebremeskel, oo kasoo horjeeday hadalada Eritrea ee ku saabsan Itoobiya, isagoo ku celiyay hadal kasoo baxay wasiirka arrimaha dibadda ee Eritrea.

Yemane ayaa sidoo kale ku booriyay beesha caalamka inay cadaadis ku saaraan Itoobiya si ay ixtiraamto madaxbannaanida iyo xudduudda dhuleed ee derisyada, isagoo tilmaamay inay been abuur yihiin eedeymaha ku saabsan "diyaar garowga dagaal ee Eritrea ka dhanka ah Itoobiya."

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM