Bangiga Dhexe ee Libya oo gabi ahaanba shaqada joojiyay

Image
Talaabadan ayaa ka dambeysay ka gadaal markii la afduubtay masuul ka tirsanaa Baanka.

NAIROBI, Kenya - Bangiga dhexe ee dalka Liibiya ayaa ku dhawaaqay in la hakiyay dhammaan shaqadiisa, kaddib markii agaasime sare looga afduubtay caasimadda Tripoli.

Baanka ayaa bayaan uu soo saaray ku cambaareeyay af-duubka loo geystay agaasimihii tignoolajiyada macluumaadka ee Musab Msalem.

Dhacdadan ayaa waxa ay ku soo beegantay todobaad ka dib markii bangiga dhexe ay soo food saartay go'doomin ay sameeyeen rag hubaysan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabhadda Tigray oo sheegtay inay dishay in ka badan 1,500 askari oo Itoobiyaan ah

Dowladda Itoobiya iyo milatarigeeda ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin tirada khasaaraha ay jabhaddu sheegtay.

  • Afrika

    21-10-2026

  • 06:06AM

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM