Chad oo soo afjartay heshiiskii iskaashiga difaaca ee Faransiiska

Image

N'DJAMENA - Dowladda Chad ayaa Khamiistii sheegtay inay soo afjartay heshiiskii iskaashiga dhanka difaaca ee ay la gashay Faransiiska, tallaabadaas oo keeni karta in ciidamada Faransiiska ay ka baxaan dalka Afrikada dhexe.

War qoraal ah oo ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Chad ayaa lagu sheegay in dalkaas oo ahaa xulafada muhiimka ah ee reer galbeedka ee dagaalka kula jira mintidiinta Islaamiga ah, uu doonayo in uu si buuxda u ilaashado madax-banaanidiisa kadib eryida Faransiiska.

Waxay sheegtay in go'aanka lagu soo afjarayo heshiiska iskaashiga difaaca ee dib loo eegay sanadka 2019 uu awood u siinayo inay dib u qeexdo iskaashigeeda istiraatiijiyadeed.

Dalka Chad ayaa horey si dhow ula shaqeyn jiray ciidamada militariga ee wadamada reer galbeedka, balse waxa ay aad ugu soo dhawaadey Ruushka sanadihii lasoo dhaafay.

Go’aankan ayaa soo afjaraya taariikhda gumaysiga Faransiisku ku lahaa galbeedka iyo bartamaha Afrika ka dib markii lagu qasbay in uu ciidamadiisa kala baxay Mali, Niger iyo Burkina Faso oo ka dhaceen afgambiyo militari.

Dowladaha militariga ayaa u weecday dhanka Ruushka, oo askar calooshood u shaqeystayaal ah geeyay guud ahaan gobolka Saaxil – oo Faransiiska iyo Mareykanka isaga soo baxay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dalalka Afrika ee Marti-gelinaya Saldhigyada Mareykanka oo Wajahaya Khatarta Gantaallada Iran

Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, oo ah halbowlaha ganacsiga adduunka, ayaa wajahaya khataro cusub.

  • Afrika

    05-03-2026

  • 09:28AM

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay Ciidanka Rwanda iyo saraakiil sare

Mareykanka ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay nabadda gobolka bari ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

  • Afrika

    03-03-2026

  • 12:22PM