Chad oo soo afjartay heshiiskii iskaashiga difaaca ee Faransiiska

Image

N'DJAMENA - Dowladda Chad ayaa Khamiistii sheegtay inay soo afjartay heshiiskii iskaashiga dhanka difaaca ee ay la gashay Faransiiska, tallaabadaas oo keeni karta in ciidamada Faransiiska ay ka baxaan dalka Afrikada dhexe.

War qoraal ah oo ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Chad ayaa lagu sheegay in dalkaas oo ahaa xulafada muhiimka ah ee reer galbeedka ee dagaalka kula jira mintidiinta Islaamiga ah, uu doonayo in uu si buuxda u ilaashado madax-banaanidiisa kadib eryida Faransiiska.

Waxay sheegtay in go'aanka lagu soo afjarayo heshiiska iskaashiga difaaca ee dib loo eegay sanadka 2019 uu awood u siinayo inay dib u qeexdo iskaashigeeda istiraatiijiyadeed.

Dalka Chad ayaa horey si dhow ula shaqeyn jiray ciidamada militariga ee wadamada reer galbeedka, balse waxa ay aad ugu soo dhawaadey Ruushka sanadihii lasoo dhaafay.

Go’aankan ayaa soo afjaraya taariikhda gumaysiga Faransiisku ku lahaa galbeedka iyo bartamaha Afrika ka dib markii lagu qasbay in uu ciidamadiisa kala baxay Mali, Niger iyo Burkina Faso oo ka dhaceen afgambiyo militari.

Dowladaha militariga ayaa u weecday dhanka Ruushka, oo askar calooshood u shaqeystayaal ah geeyay guud ahaan gobolka Saaxil – oo Faransiiska iyo Mareykanka isaga soo baxay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DR Congo: Xeer Ilaaliyaha Guud oo Dalbaday in dil lagu xukumo Madaxweyne Hore Joseph Kabila

Kabila ayaa bishii May laga qaaday xasaanaddii uu ku lahaa golaha sare ee dalka, isagoo ahaa senator noloshiisa.

  • Afrika

    23-08-2025

  • 01:24PM

Japan oo kusoo biirtay Loolanka Mareykanka iyo Shiinaha ee Khayraadka Afrika

Ra’iisul Wasaare Ishiba ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo qaab-dhismeed cusub oo iskaashi ah oo u dhexeeya Indo-Pacific iyo Afrika.

  • Afrika

    21-08-2025

  • 07:09AM