Ciidamada DR Congo ka hortagay isku-day afgembi milatari

Image
DR Congo waa wadan leh kheyraad aad u badan oo macdan ah iyo dad aad u tiro badan.

NAIROBI, Kenya - Ciidamada Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa sheegay in ay burburiyeen isku daygii afgambi ee ka dhanka ahaa madaxweyne Felix Tshisekedi ee caasimadda Kinshasa oo ay ku lug lahaayeen dagaalyahanno ajnabi ah oo u dhashay Congo.

Afhayeenka ciidamada DR Congo Brig Gen Sylavin Ekenge ayaa sheegay in 50 tuhmane oo ay ku jiraan saddex Maraykan ah iyo mid haysta dhalashada Ingiriiska la xiray.

Wuxuu horay uga sheegay TV-ga dowladda ee RTNC in "xaaladda hadda gacanta lagu hayo".

Hadalkiisa ayaa imaanaya saacado kadib markii kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen guriga Vital Kamerhe, madaxii hore ee shaqaalaha, isla markaana saaxiib dhow la ah madaxweyne Tshisekedi subaxnimadii hore ee Axadda.

DR Congo waa wadan leh kheyraad aad u badan oo macdan ah iyo dad aad u tiro badan, hase yeeshee iyadoo taasi jirto haddana noloshu ma rayn dadka badidood, colaado, musuqmaasuq iyo maamul xumo ayaa weli taagan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Suudaan oo Sheegay Inay Jabiyeen Difaacyada RSF

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyay askar sheeganaya inay gacanta ku dhigeen Umm Sayala.

  • Afrika

    26-07-2026

  • 11:20AM

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM