Ciidamada Koongo oo kahor tagay afgambi lagu sameyn lahaa Madaxweynaha

Image

Ciidamada Congo ayaa sheegay in ay "fashixiyeen afgambi" subaxnimadii hore ee Axadda, ayna xireen kooxihii ka dambeeyay, oo ay ku jiraan dhowr ajaaniib ah, ka dib markii ay israsaaseyn dhexmartay rag hubeysan oo ku labisan dareeska militariga iyo ilaalada siyaasi, taasoo ay ku dhinteen saddex qof magaalada caasimadda ah ee Kinshasa.

Isku dayga afgambiga waxuu "gilgilay difaaca iyo ciidamada ammaanka Congo, xaaladuna waa la xakameynayaa," afhayeenka ciidamada Congo, Sarreeye Guuto Sylvain Ekenge ayaa shir jaraa'id ku sheegay sidaas. Ma uusan bixin faahfaahin intaas dhaafsiisan.

Iska horimaad ayaa la sheegay inuu dhex maray rag ku labisan dareeska ciidamada iyo ilaalada siyaasiga oo ku sugnaa guriga siyaasiga oo ku yaal magaalada Tshatshi Boulevard, oo qiyaastii 2 kiilo mitir u jirta xarunta madaxtooyada oo ay sidoo kale ku yaalaan qaar ka mid ah safaaradaha.

Tani waxay ku soo beegantay iyadoo ay xiisad ka taagan tahay xisbiga talada haya ee Madaxweyne Felix Tshisekedi oo ka dhashay doorashada hoggaanka baarlamaanka oo la filayay in la qabto Sabtidii balse dib loo dhigay.

Dableyda hubeysan ayaa weerar ku qaaday hoyga uu magaalada Kinshasa ka degan yahay Vital Kamerhe oo ah xildhibaan heer federaal ah, isla markaana ah musharax u taagan xilka afhayeenka baarlamaanka dalka Kongo, balse waxaa is hortaagay ilaaladiisa, sida uu afhayeenkiisa ku sheegay baraha bulshada ee X.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Suudaan oo Sheegay Inay Jabiyeen Difaacyada RSF

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyay askar sheeganaya inay gacanta ku dhigeen Umm Sayala.

  • Afrika

    26-07-2026

  • 11:20AM

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM