Ciidanka Sudan oo la wareegay Magaalo istiraatiiji ah oo ay haysatay RSF

Image

QAHIRA — Milatariga Sudan ayaa Sabtidi shalay sheegay in ay gudaha u galeen magaalada Wad Madani ee bartamaha Sudan, isla markaana ay qarka u saaran yihiin in ay bannaanka uga saaraan xooggaga RSF.

Qabsashada Wad Madani ayaa ciidamada qalabka sida ee Sudan uga dhiganaan doonta, tallaabo weyn oo ay horay ugu qaadeen dagaalka ay uga soo horjeedaan fallaagada, iyo magaaladi ugu weyneyd ee ay dib u qabsadaan ku dhawaad labada sano ee uu socda dagaalka sokeeye ee Sudan.

Ciidamada ayaa faafiyay muuqaal tusinaya milatariga oo ku jira gudaha magaaladan oo ah caasimadda gobolka caanka ku ah beeraha iyo ganacsiga ee Al Jaziira. Gobolkan ayaa waxaa heystay RSF tan iyo bishi December ee sannadki 2023.

Dib u qabshada magaalada Wad Madani ayaa lagaa yaabaa in ay baddasho jihada uu ku socday dagaalk Sudan. Dagaalka oo ku billowday khilaaf ka dhashay isku dhafka malleeshiyada RSF iyo ciidamada millatariga ayaa bilowday bishi April ee sannadki 2023-ki.

Tan iyo markaas ayaa la xaqiijiyay in ay ku barakaceen in ka badan 12 milyan oo ruux, kumannaan ayaa la rumeysan yahay in ay ku dhinteen colaadda, halka kala bar shacabka ay wajahayaan gaajo.

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM