Congo: Meydad badan oo laga helay magaalo Mucaaradka la wareegay

Image

GOMA — Sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay oo ku sugan dalka Jamhuuriyadda Dimqoraadiga ee Congo ayaa Arbacadi shalay sheegay, in ku dhawaad 3,000 oo qof lagu dilay dagaalki dhawaan ka dhacay magaalada Goma ee bariga dalkaasi.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyay fallaagada ay taageerto Rwanda ee M23 iyo ciidanka millatariga Congo. Waxana uu marki hore ka billowday hareeraha Goma oo ku taalla gobolka macdanta hodonka ka ah ee Kivu.

Vivian van de Perre, ku xigeenka madaxa howlgalka Qaramada Midoobay ee Goma, ayaa iyada oo wariyaasha kula hadleysa muuqaalka tooska ah ee fogaan aragga sheegtay, in xubnaha Qaramada Midoobay ee Goma ay si firfircoon uga caawinayaan M23, soo ururinta meydadka wali yaalla waddooyinka.

Waxay sheegtay in ilaa iyo hadda la helay ilaa 2,000 halka meydadka 900 oo kale ay ku jiraan filinjeerrada isbitaallada.

Dowladda Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Congo ayaa ku eedeysay Rwanda in ay tageero buuxdo siiso jabhadda M23 , hase yeeshee Rwanda ayaa ku gacan seyrtay arrintaasi.

Related Articles

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM

Itoobiya oo ka digtay in aqoonsiga Somaliland uu fursad siin karo Al-Shabaab

Wuxuu intaas ku daray in xaaladdaasi ay Al-Shabaab siin karto fursad ay si fudud weerarro uga fuliso Soomaaliya iyo Somaliland.

  • Afrika

    17-10-2026

  • 05:50AM