Dad badan oo ku dhintay daad ka dhashay roobab mahiigaan ah

Image
Sannadkii hore, ugu yaraan 30 qof ayaa ku geeriyootay isla dhacdo noocaan oo kale ah.

NAIROBI, Kenya - Daadad iyo dhul go’ ayaa 8 qof ku dilay Abidjan, magaalada ugu weyn dalka Cote d’Ivoire, kadib roobab xooggan oo da’ay, sidda ay sheegeen ciidamadda dab-damiska.

Wadooyinka ayaa go’ay iyadoo roobkii gelinkii dambe ee Khamiista uu ka da’ay inta badan xaafadaha magaalada oo ay ku nool yihiin lix milyan.

Warbixintii ugu dambeysay ayuu dab-damiska ku sheegay in 18 qof loo daad gureeyay isbitaallada.

Roobab mahiigaan ah oo da'ay galabnimadii Khamiista ilaa subaxnimadii Sabtida ayaa ku dhawaad ​​afar jeer ka culus kuwii caadiga ahaa.

"Qiyaastii rubuc kamid ah roobabkii la filayey ee May-June-July - ama 214 milimitir (8.4 inji) - ayaa ku dhacay 24 saacadood gudahood," ayuu yidhi adeegga saadaasha hawada ee qaranka Sodexam.

Sannadkii hore, ugu yaraan 30 qof ayaa ku geeriyootay daadad ka dhashay roobab mahiigaan ah iyo shilal kale oo lala xiriirinayo roobab mahiigaan ah oo ka da’ay dalka Galbeedka Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Suudaan oo Sheegay Inay Jabiyeen Difaacyada RSF

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyay askar sheeganaya inay gacanta ku dhigeen Umm Sayala.

  • Afrika

    26-07-2026

  • 11:20AM

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM