Dal mamnuucay in laga waramo xaalada caafimaaddka madaxwaynahooda

Image
Hoggaamiyaha 91-jirka ah - oo xilka hayay in ka badan afartan sano - laguma arag meel fagaare ah tan iyo 8-dii Sebtembar.

NAIROBI, Kenya - Mas'uuliyiinta Cameroon ayaa warbaahinta ka mamnuucay inay ka hadlaan caafimaadka madaxweyne Paul Biya, kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in dhimashadiisa.

Wasiirka arrimaha gudaha Paul Atanga Nji ayaa u sheegay gudoomiyaasha gobollada in sheekooyinkan ay " carqaladeynayaan xasilloonida dadka reer Cameroon ".

"Dood kasta oo ka dhaca warbaahinta oo ku saabsan xaaladda madaxweynaha si adag ayaa loo mamnuucay," ayuu ku adkaystay, isagoo ku hanjabay "in dembiilayaasha ay wajihi doonaan sharciga adag."

Hoggaamiyaha 91-jirka ah - oo xilka hayay in ka badan afartan sano - laguma arag meel fagaare ah tan iyo 8-dii Sebtembar, markaasoo uu ka qaybgalay shirkii Shiinaha iyo Afrika ee Beijing.

Dhowr mas'uuliyiin ah ayaa gadaal ka riixay wararka la isla dhexmarayo ee ku saabsan xaaladda Biya, iyagoo ku adkeystay inuu caafimaad qabo oo uu si gaar ah u joogo Geneva, Switzerland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM