Danjiraha South Africa: Kama qoomameynin in la iga soo eryay Mareykanka

Image

CAPE TOWN - Danjiraha Koonfur Afrika ee Maraykanka Ebrahim Rasool, ayaa sheegay inuusan waxba ka qoomameynin go'aanka Maamulka Trump igu soo saarey Washington.

Ebrahim Rasool oo 62 jir ah, ayaa dalka South Africa ku laabtay Axadii shalay, waxaana si diirran ugu soo dhaweyay kumanaan taageerayaal ah oo ku sugan Garoonka Caalamiga ah ee Cape Town.

Xiisadaha u dhexeeya South Africa iyo Maraykanka ayaa sii kordhaysay tan iyo markii Donald Trump uu xilka qabtay bishii January. Ebrahim Rasool ayaa lagu eedeeyay in uu yahay shaqsi "ka soo horjeeda Maraykanka" kadib markii Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Marco Rubio, uu ku tilmaamay Ebrahim Rasool "siyasi u ololeeya kala qaybsanaanta iyo nacaybka".

Eedayntan ayaa timid kadib markii Ebrahim Rasool uu sheegay in Trump uu "sare u qaadey awoodda dadka cadaanka" isagoo sheegay in dadka madowga ee Maraykanka ay wajahayaan cunsuriyad iyo xad-gudub kale oo kala kulmayaan kuwa midabka cad ee isku haysta inay iyaga kaliya muwaadiniin yihiin.

Ebrahim Rasool ayaa ka difaacay hadalladiisa, isagoo sheegay in uu jeediyay "digniin" ku saabsan isbeddellada siyaasadeed ee ka dhacaya Maraykanka, iyo sida dadka cadaanka ah ay ula macaamilayaan Madowga Maraykanka. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM