Itoobiya: Dhul go’ ka dhashay roobab mahiigaan ah oo dad laayay

Image
Tiradda dhimashada ayaa la filayaa in ay kor u kacdo, sida uu sheegay sarkaal maxalli ah.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Dhul go’ ka dhashay roobab mahiigaan ah oo ka da’ay deegaanka Wolaita ee koonfurta Itoobiya ayaa dilay ugu yaraan 13 qof, waxaana la filayaa in tirada dhimashada ay kor u kacdo, sida uu sheegay sarkaal maxalli ah.

Samuel Fola, oo ah gudoomiyaha aagga Wolaita, ayaa sheegay in dad ka badan 300 oo qof laga daadgureeyay deegaanka degmada Kindo Didaaye, dadkaas oo aan weli la ogeyn tirada dadkaas.

Dhul go’a Isniintii ayaa u muuqday mid ka haray mid kale oo bishii hore ka dhacay deegaan kale oo ku yaalla koonfurta Itoobiya halkaas oo ay ku dhinteen in ka badan 200 oo qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabhadda Tigray oo sheegtay inay dishay in ka badan 1,500 askari oo Itoobiyaan ah

Dowladda Itoobiya iyo milatarigeeda ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin tirada khasaaraha ay jabhaddu sheegtay.

  • Afrika

    21-10-2026

  • 06:06AM

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM