Digniin laga soo saarey fatahaadyo ay sameyn karaan wabiyadda

Image
Kooxaha wax ka qabashada masiibooyinka ayaa bilaabay in ay daadgureeyaan in ka badan 240 qoys .

NAIROBI, Kenya - Kenya ayaa soo saartay digniin ku aaddan fatahaadda wabiyadda, kaddib roobab xooggan oo saameeyay deegaanno badan oo ka tirsan dalka Kenya.

Kooxaha wax ka qabashada masiibooyinka ayaa bilaabay in ay daadgureeyaan in ka badan 240 qoys oo ay saameeyeen daadadka ka socda dalka oo dhan.

Wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaranka ayaa bayaan ay soo saartay fiidnimadii Jimcaha ku sheegtay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Degmooyin ka tirsan Harada Victoria Basin iyo gobollada waqooyi-galbeed ayaa waxaa ka da'ay roobab xooggan, taasoo keentay kiisas go'doon oo fatahaad ah, ayay wasaaraddu sheegtay.

Intii u dhaxaysay bilihii March iyo June, roobab mahiigaan ah iyo daadad ayaa galaaftay nolosha in ka badan 300 oo qof, waxaana ku dhaawacmay 188 qof, 38 kalena waa la la’yahay.

In ka badan 293,200 oo qof ayaa ku barokacay, ku dhawaad ​​306,520 ayaa ay saameysay, sida lagu sheegay tirooyinka Xarunta Hawlgalka Musiibooyinka Qaranka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM