Dowladda Nigeria oo lagala wareegay saddex diyaaradood

Image
Talaabadan ayaa waxaa la sheegay in ay ku hayso khilaaf kala dhexeeya shirkad laga leeyahay Shiinaha.

ABUKJA, Nigeria - Maxkamad ku taalla dalka Faransiiska ayaa la wareegtay saddex diyaaradood oo ay leedahay dowladda Nigeria xilli uu jiro muran muddo soo jiitamayay kaasoo kala dhaxeeyay shirkad laga leeyahay Shiinaha.

Khilaadkan ayaa salka ku haya qandaraas 2007 dhacay kaas oo u dhexeeyay Shirkadda Zhongshan Fucheng ee Maalgelinta Warshadaha iyo Shirkadda Ogun State.

Qandaraaska ayaa ku saabsanaa hirgelinta aagga ganacsiga xorta ah halkaas oo beerta weyn ee warshadaha la doonayo in la horumariyo si ay u soo jiidato maalgashadayaasha.

Heshiiska ayaa la joojiyay intii u dhaxaysay 2015 iyo 2016. Sida laga soo xigtay Financial Times, Zhongshan waxay sheegtay in lagu qasbay in laga baxo heshiiska iyada oo loo marayo "olole falal sharci darro ah".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Biyo-xireenkan Niil oo ka dhigay Itoobiya Dhoofiyaha ugu weyn ee korontada Afrika

Masar iyo Suudaan waxay ku doodeen in buuxinta biyo-xireenka ay qaadato 12 ilaa 21 sano si aysan biyuhu u yaraanin.

  • Afrika

    09-09-2025

  • 05:31AM

Itoobiya oo ku eedeysay Jaamacadda Carabta in ay Masar u adeegto

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo weli uu taagan yahay muranka dhanka biyaha ah ee u dhexeeya Itoobiya iyo Masar.

  • Afrika

    08-09-2025

  • 11:04AM