El Sisi iyo Macron kawada hadlay heshiiska Soomaaliya iyo Itoobiya

Image
Madaxwayneyaasha Masar iyo Faransiiska ayaa yeeshay wadaxaajood dhanka telefoonka ah.

QAAHIRA, Masar - Madaxwayneyaasha Masar iyo Faransiiska oo khadka telefoonka kuwada hadlay ayaa carabka ku adkeeyay in Masar ay si firfircoon uga shaqeyneyso sidii ay Soomaaliya uga taageeri lahayd xaqiijinta amniga iyo xasiloonida, ha noqoto iskaashi laba geesood ah ama ka qeyb qaadashada howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ay codsato.

Cabdalfataax Al Sisi ayaa Emmanuel Marcon waxa uu u sheegay in Masar ay dano ka leedahay heshiiskii dhawaan ay wada gaareen Itoobiya iyo Soomaaliya ee dhex dhexaadinta Turkiga.

Sisi waxa uu ka dhawaajiyay in heshiiskani uu ka qayb qaadan doono horumarinta amniga iyo xasiloonida gobolka Geeska Afrika, lana waafajin doono mabaadi’da sharciga caalamiga ah.

Wuxuu hoosta ka xariiqay intii uu socday baaqa xiriirka dhow ee ka dhaxeeya ammaanka iyo xasiloonida Geeska Afrika iyo amniga qaranka Masar.

Horaantii bishaan, madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay gaareen heshiis lagu xalinayo khilaafkooda, kaasoo socday tan iyo bilowgii sanadkan, iyadoo heshiis ay dhexdhexaadineysay Ankara.

Xiisadda u dhaxaysa Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa sii xumaanaysay tan iyo bishii January, taas oo ka dhalatay heshiis dhexmaray Itoobiya iyo maamulka Somaliland.

Heshiiskan oo u ogolaanaya Itoobiya inay hesho awood badda ah oo ay ku beddesho aqoonsiga Somaliland, ayaa waxa si weyn uga soo horjeestay Soomaaliya oo ku tilmaantay mid xad-gudub ku ah xuquuqdeeda madaxbannaanida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM

Itoobiya oo ka digtay in aqoonsiga Somaliland uu fursad siin karo Al-Shabaab

Wuxuu intaas ku daray in xaaladdaasi ay Al-Shabaab siin karto fursad ay si fudud weerarro uga fuliso Soomaaliya iyo Somaliland.

  • Afrika

    17-10-2026

  • 05:50AM