Equatorial Guinea: Mas’uul lagu helay 400 cajalado falal anshax xumo ah

Image
Dadka uu muuqaaladan ka duubay waxaa kamid ah xaaska iyo qaraabada madax ay ku jiraan wasiiro.

MUQDISHO, Soomaaliya - Baltasar Ebang Engonga, oo ahaa Agaasimaha Hay’adda Baarista Dhaqaalaha Equatorial Guinea, ayaa ku lug yeeshay fadeexad gilgishay waddankaas.

Baaritaan lagu sameeyay ayaa laga helay ilaa 400 oo muqaalo anshax xumo ah oo uu sameeyay Engonga, kuwaas oo uu kula kacay xaasaska iyo qaraabada madaxda sarsare ee dowladda.

Muqaaladan ayaa si degdeg ah loogu baahiyay baraha bulshada, taas oo keentay caro iyo qeylo dhaan xoog leh.

Madaxweyne Kuxigeenka Teodoro Nguema Obiang Mangue ayaa amray in kamaradaha ilaalinta laga rakibo dhammaan xafiisyada dowladda si looga hortago falal anshax xumo oo kale ah.

Wuxuu ku adkeeyay in qof walba oo lagu qabto fal anshax xumo xafiiska lagu ceyrin doono shaqada.

Engonga waxaa laga joojiyay shaqadiisii, waxaana baaritaan lagu wadaa eedeymaha ka dhanka ah ee anshax xumada iyo in uu halis geliyay caafimaadka bulshada.

Xeer Ilaaliyaha Guud Anatolio Nzang Nguema ayaa sheegay in, hadii baaritaanada caafimaadku caddeeyaan, Engonga la saari karo dacwad caafimaad halis galis ah oo uu bulshada u geystay.

Fadeexaddan waxay iftiiminaysaa xaaladda musuqmaasuq iyo dhibaatooyinka anshax xumo ee ka dhex jira dowladda Equatorial Guinea, taas oo soo saartay baahida loo qabo in la xoojiyo nidaamka anshax iyo kalsoonida bulshada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM