Equatorial Guinea: Mas’uul lagu helay 400 cajalado falal anshax xumo ah

Image
Dadka uu muuqaaladan ka duubay waxaa kamid ah xaaska iyo qaraabada madax ay ku jiraan wasiiro.

MUQDISHO, Soomaaliya - Baltasar Ebang Engonga, oo ahaa Agaasimaha Hay’adda Baarista Dhaqaalaha Equatorial Guinea, ayaa ku lug yeeshay fadeexad gilgishay waddankaas.

Baaritaan lagu sameeyay ayaa laga helay ilaa 400 oo muqaalo anshax xumo ah oo uu sameeyay Engonga, kuwaas oo uu kula kacay xaasaska iyo qaraabada madaxda sarsare ee dowladda.

Muqaaladan ayaa si degdeg ah loogu baahiyay baraha bulshada, taas oo keentay caro iyo qeylo dhaan xoog leh.

Madaxweyne Kuxigeenka Teodoro Nguema Obiang Mangue ayaa amray in kamaradaha ilaalinta laga rakibo dhammaan xafiisyada dowladda si looga hortago falal anshax xumo oo kale ah.

Wuxuu ku adkeeyay in qof walba oo lagu qabto fal anshax xumo xafiiska lagu ceyrin doono shaqada.

Engonga waxaa laga joojiyay shaqadiisii, waxaana baaritaan lagu wadaa eedeymaha ka dhanka ah ee anshax xumada iyo in uu halis geliyay caafimaadka bulshada.

Xeer Ilaaliyaha Guud Anatolio Nzang Nguema ayaa sheegay in, hadii baaritaanada caafimaadku caddeeyaan, Engonga la saari karo dacwad caafimaad halis galis ah oo uu bulshada u geystay.

Fadeexaddan waxay iftiiminaysaa xaaladda musuqmaasuq iyo dhibaatooyinka anshax xumo ee ka dhex jira dowladda Equatorial Guinea, taas oo soo saartay baahida loo qabo in la xoojiyo nidaamka anshax iyo kalsoonida bulshada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabhadda Tigray oo sheegtay inay dishay in ka badan 1,500 askari oo Itoobiyaan ah

Dowladda Itoobiya iyo milatarigeeda ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin tirada khasaaraha ay jabhaddu sheegtay.

  • Afrika

    21-10-2026

  • 06:06AM

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM