Erdogan oo dhex-dhexaadinaya dhinacyada ku dagaalamaya Sudan

Image

KHARTOUM - Taliyaha ciidamada dalka Sudan Jeneraal C/fitaax Al-Burhaan ayaa soo dhaweeyay doorka dhex-dhexaadinta Turkiga ee lagu xalinayo colaada 20-ka bilood ah ka socota dalkaas.

Horaantii bishii hore, madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa khadka taleefanka kula xiriiray Al-Burhaan isagoo la wadaagey kaalinta Turkiga ee "nabad iyo xasillooni" waddanka Sudan ee dagaalladu aafeeyeen.

Kulan ka dhacay magaalada Port Sudan Sabtidii ayuu Al-Burhaan ka codsaday wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Turkiga Burhanettin Duran inuu waan-qaanta gaarsiiyo dhinaca kale mucaaradka.

"Sudan waxay u baahan tahay walaalo iyo saaxiibo sida Turkiga," ayuu yiri Cali Yuusuf oo ah wasiirka arrimaha dibadda Sudan, isagoo intaas ku daray "in hindisaha Erdogan uu horseedi karo dhinacyada dagaalka u dhaxeeya si looga shaqeeyo xaqiijinta nabadda Sudan.

Bishii la soo dhaafay, dowladda Sudan ayaa ku eedeysay RSF-ta inay diyaarado aan duuliye lahayn ku weerareen qeybo kamid ah Sudan.

Maxamed Xamdaan Dagallo oo hogaamiya Ciidamada Dacma-sariic ama RSF-ta ayaa dagaal kula jira Al-Burhaan, waxaana labada Jeneraal oo horey u riday dowladdii Cumar Xasan Al-Bashiir isku hayaan awoodda Sudan.

Bishii hore, Edogan ayaa Ankara ku heshiisiiyay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed, iyagoo ku saxiixay halkaasi heshiis lagu soo afjaray xiisadda ku dhawaad hal sano u dhaxaysay Soomaaliya iyo Itoobiya oo salka ku haysay heshiiskii badda ee lala galay Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM

Itoobiya oo ka digtay in aqoonsiga Somaliland uu fursad siin karo Al-Shabaab

Wuxuu intaas ku daray in xaaladdaasi ay Al-Shabaab siin karto fursad ay si fudud weerarro uga fuliso Soomaaliya iyo Somaliland.

  • Afrika

    17-10-2026

  • 05:50AM