Hadal-heyn ka dhalatay Rigathi Gachagua iyo Ruto heshiiskooda iyo Safarka Gobolka Mt. Kenya

Image

Nairobi – Isbeddel lama filaan ah ayaa dhacay kadib markii Madaxweynaha Kenya, William Ruto iyo ku-xigeenkiisii hore Rigathi Gachagua dib u saaxiibeen, iyagoo isku raacaya booqashadda gobolka Mt. Kenya.

Isbeddelkan ayaa ka dambeeyay wadahadallo ballaaran oo dhexmaray labada hoggaamiye, kuwaas oo doonaya in la xoojiyo mideynta qaranka. Sida wararka laga helayo, labada hoggaamiye ayaa si qarsoodi ah uga wadahadlay arrimaha siyaasadeed iyo doorashadda 2027.

Dadka ku dhaw labada hoggaamiye ayaa ka gaabsaday faahfaahinta wadahadalladooda, laakiin waxay wararku sheegayaan in dib usoo celinta xiriirkooda uu ka dhashay baahida loo qabo in la yareeyo xiisadaha siyaasadeed ee dalka.

Safarka gobolka Mt. Kenya ayaa lagu wado in lagu soo bandhigo qorshiyaal loogu talagalay dhibaatooyinka deegaanka, sida horumarinta dhaqaalaha, mashaariicda kaabayaasha, iyo barnaamijyada daryeelka bulshada.

Muuqaalka wadajirka ah ee Ruto iyo Gachagua ayaa la filayaa inuu fariin xooggan u diro mucaaradka, maadaama ay soo dhawdahay doorashadda.

Falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa sheegay in tallaabadan ay si weyn u saameyn karto xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan marka la eego muhiimada taariikheed ee gobolka Mt. Kenya ee siyaasadda Kenya.

Mid ka mid ah falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa ku tilmaamay safarka mid muhiim ah oo kor u qaadi doona codka gobolka Mt. Kenya ka hor doorashada guud ee 2027.

Rigathi Gachagua oo kasoo jeeda gobolka Mt. Kenya ayaa xilka Madaxweyne ku xigeenka looga qaadey mooshin sanadkii hore, iyadoo aad u xumaaday xiriirka isaga iyo Ruto oo hore dad aad isagu dhaw ahaayeen xiligii doorashadii hore.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM