Hemetti oo Taliyeyaasha RSF ku amray inay qaadaan weerarro kadib guuldarro kasoo gaartay dagaalka Sudan
Khartuum – Hoggaamiyaha Ciidamada Taageerada Degdegga ah (RSF) ee Suudaan, Maxamed Xamdaan Daagalo “Hemetti”, ayaa sheegay in taliyeyaasha ciidamada ee goobaha dagaalka ay hadda heli doonaan awood buuxda oo ay ku bilaabaan howlgallo weerar ah iyaga oo aan sugin amarro ka yimaada taliska dhexe.
Hadalkan ayaa yimid kadib guuldarrooyin waaweyn oo ciidamada RSF ay kala kulmeen gobolka Waqooyiga Kordofan, halkaas oo ciidamada Suudaan iyo xulafadooda ay dib ula wareegeen deegaanno muhiim ah isla markaana ay gacanta ku dhigeen waddo istiraatiiji ah oo isku xirta gobolka iyo caasimadda Khartuum.
Hemetti ayaa isbeddelkan ku dhawaaqay Isniintii kadib kulan amni oo uu la yeeshay xulafada ka tirsan isbahaysiga Sudan Founding Coalition, isagoo sheegay in awoodda go’aan qaadashada howlgallada hadda si toos ah loogu wareejiyay ciidamada jiidda hore.
Waxa uu sheegay inuu hoggaamin doono ciidamada safka hore ee dagaallada soo socda, isagoo ugu baaqay ciidamada RSF inay ka sifeynayaan safafkooda dadka lagu tuhunsan yahay inay yihiin kuwa gudaha ka taageeraya cadowga, isla markaana ay beddelaan xeeladaha dagaalka.
Hoggaamiyaha RSF ayaa sidoo kale si adag u mamnuucay in la duubo muuqaalada inta ay socdaan howlgallada milatari, isagoo digniin ka bixiyay in qof kasta oo jebiya amarkan loola dhaqmi doono sida qof la shaqeynaya cadowga.
RSF iyo ciidamada dowladda Suudaan ayaa tan iyo Abriil 2023 ku dagaallamayay loollan awoodda dalka ah, kaas oo sababay dhimasho badan, barakac ballaaran iyo burbur ku yimid adeegyada aasaasiga ah ee dalka.
GAROWE ONLINE