In ka badan 20 qof oo ku dhintay duqeyn lala eegtay suuq mashquul badan

Image
Ganacsato, dad wax ka iibsanayay iyo dadka deegaanka ayaa ka mid ahaa dadkii waxyeeladu soo gaartay.

NAIROBI, Kenya - Duqeymo dhanka cirka ah oo ay fuliyeen ciidamada Sudan ayaa lagu dilay ugu yaraan 23 qof in ka badan 40 kalena waa lagu dhaawacay koonfurta magaalada caasimada ah ee Khartoum.

Duqeymaha cirka ee Sabtidii ayaa lala beegsaday xerada ugu weyn oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Gargaarka Degdegga ah (RSF) ee koonfurta Khartoum, iyagoo ku garaacay suuqa dhexe iyo xaafad u dhow.

Ganacsato, dad wax ka iibsanayay iyo dadka deegaanka ayaa ka mid ahaa dadkii waxyeeladu soo gaartay.

RSF waxa ay milatariga kula dagaalamaysay dagaal sokeeye oo socday 18 bilood kaas oo galaaftay nolosha ilaa 150,000 oo qof, waxana ay barakicisay shan meelood meel dadka Sudan sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Tan iyo Jimcihii, dagaal ba'an ayaa ka sii kordhayey agagaarka Khartoum, oo ay inta badan maamulaan RSF-ta, iyadoo milaterigu ay xoojiyeen duqeymaha cirka ee bartamaha magaalada iyo koonfurta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM