In ka badan 30 qof oo ku nafwaayay duufaan ku dhufatay Mozambique

Image
Duufaanta ayaa sidoo kale waxay burbur xooggan ka geysatay dhulka Badweynta Hindiya ee Mayotte.

NAIROBI, Kenya - Ugu yaraan 34 qof ayaa ku geeriyootay kadib "mid ka mid ah duufaanadii ugu xooganaa ee abid la diiwaan geliyo" ay ka dhacdey waqooyiga Mozambique, sidda uu ku dhawaaqay Machadka Qaranka ee Khatarta iyo Maareynta Musiibooyinka (INGD).

Duufaanta Chido ayaa ku soo dhacday Mozambique Axadii, waxaana la sheegay in ay burbur xooggan ka geysatay dhulka Badweynta Hindiya ee Mayotte.

Boqolaal qof ayaa laga cabsi qabaa inay ku dhinteen Mayotte - oo ah gobolka Faransiiska ee dibedda - iyo dhowr qof - oo ay ku jiraan in ka badan 200 oo mutadawiciin ah oo Laanqeyrta Cas - ayaa loo maleynayaa in la la'yahay.

Machadka INGD oo war-saxaafadeed soo saarey ayaa ku tilmaantay xaalada Mozambique “wadnaha jabin” wuxuuna ka digtay in tirada dhimashadu ay sii kordhi karto.

Sikastaba ha haataee, in ka badan 34,000 oo qoys Mozambique ayaa guryahooda ku waayay Chido, taasoo keentay dabaylo ku dhawaad ​​260km/h (160mph).

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM

Itoobiya oo ka digtay in aqoonsiga Somaliland uu fursad siin karo Al-Shabaab

Wuxuu intaas ku daray in xaaladdaasi ay Al-Shabaab siin karto fursad ay si fudud weerarro uga fuliso Soomaaliya iyo Somaliland.

  • Afrika

    17-10-2026

  • 05:50AM