In ka badan 300 qof oo ku naf-waayay cudur ka dilaacay Suudaan

Image
Tan iyo bishii June, roobab mahiigaan ah iyo daadad ayaa ka qayb qaatay fiditaanka cudurka daacuunka.

KHARTUUM, Suudaan - Wasaaradda caafimaadka ee dowladda Suudaan ayaa waxay ku dhawaaqday in tirada dadka u dhintay cudurka daacuunka ay gaartay 348 qof.

Cudurkan dillaacay ayaa saameeyay sagaal gobol, iyadoo wadar ahaan la soo sheegay 11,079 xaaladood, sida lagu sheegay bayaanka wasaaradda.

Waxaa jira shaki laga qabo qandhada dengue shan gobol, iyada oo la sheegay in laba dhimasho ah oo la soo sheegay la xidhiidha tuhunkan, ayay raacisay.

Tan iyo bishii June, roobab mahiigaan ah iyo daadad ka da'ay Suudaan ayaa ka qayb qaatay fiditaanka cudurka daacuunka.

Saraakiisha Suudaan ayaa ku dhawaaqay in daacuun uu dillaacay 12-kii Ogosto.

Dalka Suudaan ee ay dagaalladu ragaadiyeen, nidaamka daryeelka caafimaad ee aan waxtarka lahayn ayaa ka dhigay faafitaanka cudurrada faafa xitaa mid aad ugu adag dadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM