Is-miidaamin ay fuliyeen dumar oo dad badan ku laayay Nigeria

Image
Mid kamid ah qaraxyadda ayaa waxaa lala beegsaday xaflad aroos halkaasoo rayid ku dhamaadeen.

NAIROBI, Kenya - Ugu yaraan 18 qof ayaa ku dhintay 30 kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxyo ka dhacay dalka Nigeria oo loo malaynayo inay fuliyeen dumar is qarxiyay, sidda ay ku warantay warbaahinta maxaliga ah.

Mid ka mid ah qaraxyadda ayaa waxaa lagu waramay ku dhinteen lix qof, qaar kalena ay ku dhaawacmeen xaflad aroos oo Sabtidii ka dhacday waqooyi bari gobolka Borno.

Hay’adda maamulka deg-degga ah ee gobolka ayaa sheegtay in weerarradan la iska kaashaday lala beegsaday aroos, aaskii dhibbanayaasha iyo isbitaal ku yaalla magaalada Gwoza, oo u dhow xudduudda Cameroon.

Madaxweyne Bola Tinubu oo dhaleeceeyay weerarradaas kuna tilmaamay "filal argagax leh oo quus ah" ayaa waxa uu wacad ku maray in lasoo xiri doono dambiileyaasha.

Illaa haatan, ma jirto koox sheegatay mas'uuliyadda falkan. Hase ahaatee, waxaa weerarada noocaan oo kale looga bartey dagaalameyaasha kooxda Boko Haram.

Afartii bilood ee la soo dhaafay, dableyda ayaa waxay laba jeer beegsadeen dadka iyaga oo is miidaaminaya isla markaana isku soo xiray walxaha qarxa ee gobolka Borno.

Gobolka Borno ayaa muddo 15 sano ah xuddun u ahaa kacdoonka ay wadaan kooxaha Islaamiyiinta ah ee Boko Haram, kaasoo ay ku barakaceen in ka badan laba milyan oo qof, ayna ku dileen in ka badan 40,000 oo qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabhadda Tigray oo sheegtay inay dishay in ka badan 1,500 askari oo Itoobiyaan ah

Dowladda Itoobiya iyo milatarigeeda ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin tirada khasaaraha ay jabhaddu sheegtay.

  • Afrika

    21-10-2026

  • 06:06AM

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM