Itoobiya: Daawade kama noqon doono dabka ay Soomaaliya ka shideyso gobolka

Image
Itoobiya ayaa si maldahan u diiday ka qayb galka Masar ee hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Itoobiya ayaa si maldahan u diiday ka qayb galka Masar ee hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, oo bilaaban doona bisha January ee sanadka 2025, kaas oo bedeli doona hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (@ATMIS).

War rasmi ah oo ay soo saartay dowladda Itoobiya ayay ku muujisay walaac xooggan, waxayna ku tilmaantay howlgalka mid "ay ka buuxaan khataro ku wajahan gobolka" waxayna caddeeyeen in aysan "daawade noqon karin iyada oo (dalal kale ay qaadayaan tallaabooyin ay ku carqaladeynayaan xasilloonida gobolka."

War saxaafadeedka ayaa lagu eedeeyay Soomaaliya “in ay gacan saar la leedahay shabakado dibadda ah si ay xasilooni darro uga abuurto gobolka”, taasoo tixraac u ah iskaashiga milatari ee Soomaaliya iyo Masar oo sii kordhaya.

Itoobiya ayaa ku nuuxnuuxsatay in wada shaqayntaasi ay khatar ku tahay amniga gobolka, taas oo sii cakireysa xaaladda amni ee deegaanka.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay Soomaaliya doonayso inay xoojiso xiriirka milateri ee ay la leedahay Masar, waxaana ay rajeynaysaa in Qaahira ay door muuqda ka cayaarto howlgalka cusub ee lagu bedelayo howlgalka Midowga Afrika.

Iskaashigan ayaa walaac ku abuuray Itoobiya oo u aragta isku day lagu wiiqayo xasiloonida gobolka iyo kicinta xiisado cusub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM