Itoobiya: Imaam Masaajid iyo dad kale oo qaraabadiisa ah oo la dilay

Image
Falkan ayaa wuxuu ka dhacay Masjid ku yaalla degmada Dera ee Waqooyiga Shoa.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Dalka Itoobiya oo xaaladiisa ay u muuqato mid ay kasii dareyso tan iyo markii uu xilka qabtey Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed ayaa waxaa kusoo badanaya dilalka gaadmada ah.

Weeraradii ugu dambeeyay ee lagu dilay dad rayid ah oo ku sugnaa gobolka Oromada ee dalka Itoobiya, ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay Sheekh Maxamed Mekin Xaaji oo Imaam ka ahaa Masjid ku yaalla degmada Dera ee Waqooyiga Shoa.

Ugu horeyn waxa ay kooxda xagjirka ah ka qafaasheen isaga iyo 12 qof oo kale iyaga oo ka soo qafaashay Masjid ku yaala Keleda Adea Melkie ee degmada Dera. 

Dadka lala af-duubtay ayaa lagu soo waramayaa in ay isaga ku dhow yihiin.

Xisbiga mucaaradka ah ee Enat Party, ayaa soo saaray bayaan ay ku muujinayaan tacsi, isla markaana la wadaagayaan qaar ka mid ah faahfaahinta ku saabsan dilka.

Waxaa la afduubay wax ka badan bil ka hor, waxaana jiray dadaal xooggan oo lagu doonayay in lagu sii daayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM