Itoobiya oo bilowday dhaqdhaqaaqa kadib hubkii Masar geystay Muqdisho

Image
Talaabadan ayaa waxay si buuxda u muujinaysaa isbeddel istaraatiiji ah oo ku aaddan hawlgalkeeda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dawladda Itoobiya ayaa qayb muhiim ah oo ka mid ah ciidamadeeda ka soo rartay magaalada Harar, waxayna geysay Godey, oo ka tirsan maamulka Somali State.

Talaabadan ayaa waxay si buuxda u muujinaysaa isbeddel istaraatiiji ah oo ku aaddan hawlgalkeeda.

Go'aankan ayaa ka dambeysay kadib markii fariisin ciidan kale ay ka sameysteen deegaanka Feer Feer oo 50 KM oo kaliya u jira magaalada Baladweyne.

Saldhiga ayaa sida muuqata waxay doonaysaa in ay mideyso ciidamada Itoobiya ee ku sugan gobolkaasi.

Intaa waxaa dheer, warbaahinta ciidamada Itoobiya ayaa qorsheynaysa inay soo bandhigto muhiimadda doorka cusub ee Godey ee baahinta soo socota.

Talaabooyinkan ayaa kusoo aadaya xilli Masar ay todobaadkan magaalada Muqdisho keentay saanad ciidan oo ballaaran ayna siisay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM