Itoobiya oo cambaareysay hadal kasoo yeeray Mareykanka

Image
Xukuumadda Addis Ababa ayaa sheegtay in aan lagala tashan hadalada kasoo yeeray Washington.

MUQDISHO, Soomaaliya - Itoobiya ayaa dhaleeceysay khudbad uu shalay jeediyay safiirka Mareykanka Ervin Massinga oo ay ku tilmaantay "mid aan lagala talin" oo ay ku jiraan "sheegyo aan la ogeyn".

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, ayaa lagu sheegay in kooxaha uu safiirku sheegay ay “u go’an tahay in ay xoog ku afgambiyaan Xukuumadda la doortay”.

Waxay sheegtay in Wasaaraddu ay kala shaqayn doonto safaaradda Maraykanka ee Addis Ababa si loo saxo khaladaadka dhabta ah iyo iswaafaqayn la'aanta qoraalka uu sameeyay safiirku.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Burkina Faso: Ibrahim Traoré Fiisaha Lacag la'aan uga dhigay dadka Afrikaanka ah

Muwaadiniinta wadamada Galbeedka Afrika ee xubin ka ah ururka ECOWAS horey ayay ugu safri jireen Burkina Faso.

  • Afrika

    13-09-2025

  • 05:22AM

Daahfurka GERD: Itoobiya oo Dib u Hanatay Awood Goboleed, Inkastoo Khilaafka Biyuhu Weli Taagan Yahay

Caqabadaha u baahan in la xalliyo si dalalka isticmaala biyaha wabiga Nile xal looga gaaro….

  • Afrika

    11-09-2025

  • 10:40AM