Itoobiya oo dabcisay mowqifkeeda burinta midnimada Soomaaliya

Image
Abiy Ahmed ayaa heshiiskii badda ee uu Somaliland la galay ku macneeyay mid salka ku haaya codsi.

ADDIS ABABA, Ethiopia - Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo maanta la hadlay Baarlamaanka dalkiisa ayaa sheegay in dowladdiisu aysan su'aal galinaynin midnimada Soomaaliya, isaga oo caddeeyay in aysan diyaar u ahayn kala-qeybinta dalka Soomaaliya.

Abiy Ahmed ayaa heshiiskii badda ee uu Somaliland la galay ku macneeyay mid salka ku haaya codsi ay ku doonayaan in si sharci ah loogu ogolaado gaaritaanka badda.

Sida laga soo xigtay warbaahinta Addis Standard oo soo tarjuntay khudbadda Abiy waxaa uu yiri "codsigan [gaarista badda] waxa aan u gudbinay dhammaan dalalka deriska nala ah, mana helin wax jawaab ah. Waan tuugtannay waana dalbanay. Taas macnaheeda ma ahan in aan shaki gelinayno midnimada Soomaaliya".

Hadalkan ayaa u eg mid aad uga luuqad duwan kuwii hore looga bartay Abiy iyo mas'uuliyiinta kale ee Itoobiya oo hore u sheegay in ay aqoonsan doonaan Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Suudaan oo Sheegay Inay Jabiyeen Difaacyada RSF

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyay askar sheeganaya inay gacanta ku dhigeen Umm Sayala.

  • Afrika

    26-07-2026

  • 11:20AM

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM