Itoobiya oo Soo Rogtay Canshuur Beddelaysa Taageeradii USAID

Image

ADDIS ABABA, Itoobiya (GO) — Baarlamaanka Itoobiya ayaa Khamiistii ansixiyay canshuur cusub oo lagu soo rogay dhammaan shaqaalaha dalka, si loo daboolo farqiga dhaqaale ee ka dhashay hakinta gargaarka Mareykanka ee USAID.

Lacagta la arurin doono ayaa lagu shubi doonaa sanduuq cusub oo la yiraahdo Ethiopian Disaster Risk Response Fund, kaas oo lagu maalgelinayo mashaariic horay ay u taageeri jirtay USAID, hay’adda ugu weyn ee horumarinta iyo gargaarka bani’aadamnimo ee Itoobiya.

Canshuurta cusub ayaa saamayn doonta shaqaalaha ka shaqeeya hay’adaha dowliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay. Sidoo kale, shirkadaha ka howlgala qaybaha kala duwan sida bangiyada, dalxiiska iyo martigelinta ayaa laga doonayaa in ay bixiyaan wax-ku-darsigooda. Xeerkan cusub ayaa loo gudbiyay guddiga baarlamaanka ee khuseeya si loo go’aamiyo boqolleyda canshuurta laga rabo shaqsiyaadka iyo shirkadaha.

Itoobiya, oo leh dad ka badan 125 milyan, ayaa ahayd dalka ugu deeqda badan uu siiyo Mareykanku Afrika ee ka hooseysa Saxaraha. Sanadkii maaliyadeed ee 2023, Mareykanku waxa uu Itoobiya siiyay $1.8 bilyan, taas oo loo adeegsaday cuntooyin degdeg ah, dawooyinka HIV-ga, tallaalka, barnaamijyada waxbarashada dadka waaweyn, shaqo abuur, iyo adeegyada 1 milyan oo qaxooti ah oo ku sugan gudaha dalkaasi.

Hase yeeshee, inta badan barnaamijyadaas ayaa la hakiyay kadib markii USAID ay joojisay maalgelintii, taasoo saameyn xooggan ku yeelatay adeegyada muhiimka ah ee dalka. Shaqaalihii USAID ee dalka ka hawlgalayay ayaa lagu wargeliyay in ay fasax ku jiraan oo aysan shaqayn karin, iyagoo wajahaya suurtagalnimada in shaqada laga eryo.

Itoobiya ayaa weli wajahaysa xasillooni darro ka jirta gobollo dhowr ah, oo ay kamid yihiin Tigray — oo kasoo kabanaysa dagaal sokeeye oo laba sano socday — iyo sidoo kale Amxaarada iyo Oromada oo ay colaado wali ka socdaan. Qalalaasahaasi ayaa sababay in malaayiin qof ay u baahdaan cunto, biyo, iyo adeegyo caafimaad oo degdeg ah.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM