Ivory Coast oo ceyrinaysa cicdamadda "gumeysiga" Faransiiska

Image
Waa dalkii ugu dambeeyay Afrikaan ah oo go'aan noocaan oo kale ah qaata.

NAIROBI, Kenya - Ivory Coast ayaa ku dhawaaqday in ciidamada Faransiiska ay ka baxayaan dalka ku yaalla galbeedka Afrika, taasoo sii yareyneysa saameynta milateri ee gumeysigii hore ee gobolka.

Madaxweynaha Ivory Coast, Alassane Ouattara, oo khudbad ka jeediyay dhamaadka sanadka, ayaa sheegay in tallaabadani ay ka tarjumeyso casriyeynta ciidamada qalabka sida ee dalkaasi.

Geesta kale, Senegal, oo bishii hore ku dhawaaqday in Faransiisku uu xidhi doono saldhigyada millatari ee uu ku leeyahay dhulkooda, ayaa xaqiijisay in ka bixitaanku uu dhammaanayo dhammaadka 2025-ka.

Ivory Coast ayaa ah halka ay ku sugan yihiin ciidamada ugu badan ee Faransiiska ka jooga Galbeedka Afrika. Waxaa jira ilaa 600 oo askari oo Faransiis ah oo ku sugan dalka iyadoo 350 ay joogaan Senega.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Tanzania oo kala saxiixday heshiis saameyn ku leh Webiga Nile

Madaxweynaha Masar ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu diyaar u yahay inuu ka qayb qaato ballaarinta iyo casriyeynta Dekedda Daaru-Salaam.

  • Afrika

    20-07-2026

  • 11:08AM

Suudaan oo Dil ku Xukuntay Hoggaamiyaha RSF Hemedti iyo Walaalkiis

Dadka kale ee la xukumay waxaa ka mid ah Alqooni Xamdaan Dagalo Muuse oo isna walaal la ah Hemedti.

  • Afrika

    13-07-2026

  • 10:36AM