Jaamacad hirgelisay xarun lagu tababaro ganacsatada Soomaaliya

Image
Xaruntan laga furay Nairobi ayaa lagu magacaabaa Akadeemiyada Maalgashiga Soomaaliyeed.

NAIROBI, Kenya - Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya, Jabril Ibraahim Cabdulle ayaa maanta ka daahfuray Jaamacadda Strathmore gaar ahaan kuliyadda Business School, xarun cusub oo lagu tababarayo ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkaas dagan. 

Xaruntaan ayaa lagu magacaabaa Akadeemiyada Maalgashiga Soomaaliyeed oo marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan SOMINA.

Taabagalinta xaruntaan Somali Investment Academy (SOMINA), waxaa iska kaashaday Hay’adda International Financial Corporation (IFC) oo ah farac ka tirsan Bangiga Aduunka iyo Jaamacadda Strathmore. 

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Jabril Ibraahim Cabdulle ayaa ku dhiirigaliyay ardeyda Soomaalida ee barnaamjikaan fursada u heshay inay  faaiideystaan waxbarasho ahaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabhadda Tigray oo sheegtay inay dishay in ka badan 1,500 askari oo Itoobiyaan ah

Dowladda Itoobiya iyo milatarigeeda ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin tirada khasaaraha ay jabhaddu sheegtay.

  • Afrika

    21-10-2026

  • 06:06AM

In ka badan 160 qof oo lagu dilay weerarro ka dhacay dalka Sudan

Dhanka kale, in ka badan 160 qof ayaa la soo wariyay in ay ku dhinteen weerarro ka dhacay gobollada galbeedka dalka tan iyo Jimcihii.

  • Afrika

    20-10-2026

  • 05:28AM